4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 9 , 2018
Wejigii labaad mashruuc Indho fiiqis bilaash ah oo ka socda Magaalada Kismaayo


Axad, September, 09, 2018 (HOL) – Wejigii labaad ee mashruuc indho fiiqis bilaash ah loogu sameynayo dadka danyarta ah ayaa ayaa ka socda magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada hoose.

Waxaa iska kaashaday fulinta Mashruucan Ururka dhaqaatiirta dalka Turkiga, hay’adda Al-Nuur Foundation Somalia iyo Isbitaalka Daryeel ee magaalada Kismaayo, sida uu sheegay Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo ah agaasimaha heyadda Al-Nuur Foundtion, kana mid ah dhaqaatiir isugu jirta Soomaali iyo Pakistaniyiin fulinaya mashruucan samafalka ah.

Dr. Dalmar ayaa intaa ku daray in mashruucan ay sanad walba afar jeer ka sameeyaan qeybo ka mid ah dalka, uuna soo socday muddo ka badan toban sano, isagoo si gaar ah ugu mahadceliyay Isbitaalka daryeel ee magaalada Kismaayo oo howsha indho fiiqista marti geliyey.

“Wejiga labaad ee mashruucan samafalka oo hadda aan ka wadno Kismaayo waxaa ka faa’iideystay dad gaaraya 3,824 qof oo loo sameeyey daweyn dhinaca indhaha ah, 1984 qof waxaa la siiyey Muraayadaha arraga, iyadoo indhaha loo fiiqay dad kale oo tiradoodu gaareyso 489 qof, guud ahaan dadkan wax lacag ah oo laga qaaday ma jirto, waxayna ka kala yimaadeen magaalada Kismaayo iyo degaano ka tirsan Jubbooyinka” ayuu yiri Dr. Dalmar oo u mahad celiyey heyadaha iyo dhamaan shaqsiyaadka gacanta ka geystay taaba galka mashruucan.

Mashruucan wejigiisa koowaad waxaa laga fuliyey todobaadkii hore isbitaalka Indhaha Al-Nuur ee magaalada Muqdisho, waxaana indhaha loogu fiiqay dad kun qof gaaraya, iyadoo daweyn iyo ookiyaalaha arraga la siiyey kumanaan kale oo laga soo xulay xeryaha barakacayaasha Muqdisho.

Masuuliyiinta Isbitaalka Daryeel ee magaalada Kismaayo ayaa iyana sheegay iney ku faraxsan yihiin qabsoomida mashruucan iyagoo faahfaahin ka bixiyey adeegyada uu isbitaalkoodu ugu talo galay dadka indhaha loo fiiqayo.

Qaar ka mid ah dadkii ka faa’iideystay mashruucan oo la hadlay warbaahinta ayaa ka mahad celiyay mashruucan indhaha loogu fiiqay iyagoo xusay ineysan jirin wax lacag ah oo laga qaaday, waxayna u duceeyeen dhammaan intii ka qeyb qaadatay.

Isbitaalka Daryeel ee magaalaada Kismaayo ayaa maalmahan waxaa ka jira mashquul fara badan, iyadoo ay soo buuxiyeen dad arraga la’ oo rag iyo dumarba leh kuwaasoo qaarkood degaano fog uga soo hayaamay sidii ay uga faa’iideysan mashruucan bilaashka ah oo socon doona illaa dabayaaqada todobaadkan.

Mashruucan indho fiiqista bilaashka ah oo soo socday muddo 13 sano ah laga soo bilaabo sanadkii 2005 ayaa waxa ka faa’iideystay dad kumanaan gaaraya oo ku kala sugnaa magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka qaarkood, iyadoo heyadaha ka qeyb qaadanaya ay sheegeen in ujeedaddiisu tahay la dagaalami indha la’aanta oo Soomaaliya ay safka hore ka gashay dalalka ay ka jirto sida lagu sheegay qiimeyn ay horey u sameeyeen heyaddo caalami ah.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.