4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 9 , 2018
Eritrea oo dib uga mid noqoneysa Ururka gobolleedka IGAD

 

Axad, September, 09, 2018 (HOL) - Eritrea ayaa dib ugu biireysa urur goboleedka IGAD iyadoo munaasabad loogu oggolaanayo lagu wado in lagu qabto magaalada Addis Ababa toddobadka dambe.

Eritrea ayaa laga saaray xubinimada IGAD sanadkii 2007dii balse waxaa ay dib ugu biirtey 2011. laakiin waxaa markale laga  saaray xubinimadeeda sanadkii 2017kii.

Dhinaca kale saxiixa ugu dambeeya ee heshiiska nabada dalka Koofurta Sudan ayaa waxaa uu ka dhici doonaa toddobaadka soo socda magaalada Addis Ababa.

Wargeyska Sudan Tribune ayaa waxaa uu ka soo xigatay Ismail Wais oo ah ergeyga gaarka ah ee Koofurta Sudan in uu sheegay xaflada saxiixa dib u heshiisiinta in uu dhawaan ka dhici doono magaalada Addis Ababa.

Eritrea iyo Itoobiya ayaa ka heshiiyay colaad muddo ka badan 20 sano u dhaxeysay labada dowladdood oo ay ku dhinteen Kumannaan ruux oo ka kala tirsan labada dowladdood.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]