3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 9 , 2018
Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida oo dalacsiiyay saraakiil ka tirsan ciidamada Liyu Booliiska

 

Axad, September, 09, 2018 (HOL)- Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar ayaa ciidammada Liyu booliska ugu baaqay inay ilaaliyaan xuquuqda aadanaha marka ay gudanayaan howlaha loo igmaday.

Madaxweynaha ayaa ciidammada Liyu booliska iyo ciidammada booliska caadiga kula dardaarmay inay dhowraan sharciga dalka islamarkaasna ay ka shaqeeyaan danaha shacabka.

" Waa in aad fulisaan dardaarankeeni ahaa in xuquuqda insaanka la ilaaliyo, oo wixii hore aad qabanayseen ee shaqooyin ahaa ee faraha badnaa aad ku dartaan in dadkii aad ka dhalteen ee aad u dhalteen iyagana aad ka farxisaan darajooyin iyo abaal gudyo baad heli doontaan" ayuu madaxweyne Mustafe Cumar oo la hadlayay ciidammada booliska.

Wuxuu sidoo kale ugu baaqay ciidammada inay iska ilaaliyaan tallaabo kasto oo xadgudub u horseedi karto shacabka ayna ku dadaalaan anshaxa iyo dhaqan wanaaga marka ay howshooda gudanayaan.

Mustafe Cumar ayaa carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay kala amar qaadasha ciidammada dhexdooda.

Wuxuu yiri "Hadday noqoto qaabka amar qaadashada qaabka loo wada shaqaynayo loo xiriiriya waxyaabo sharciga qoraya ayaa jiraa kuwaa aan raacno, uma baahnin wixii cusub, wixii qoran ee meel ku yaalla ayaan raacaynaa"

Madaxweynaha ayaa dhanka kale sheegay in tabbabarkii ay qaateen ciidammada booliska iyo Liyu booliska ay wax ka baddali doonto noloshooda iyo qaabka ay u howlgalaan.

Madaxweynaha deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ayaa hadalkan sheegay xillii xalay uu hoggaaminayay munaasabad lagu dalacsiinayay qaar kamid ah taliyeyaasha cusub ee ugu sarreysa ciidammada Liyu booliska.

Tabbabarada loo soo gabagabeeyay ciidammada Liyu booliska Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ayay mas'uuliyiintu sheegeen in looga golleeyahay in ciidammada ay la jaan qaadaan isbaddallada ka socda dalka Itoobiya.

Xigasho/BBC

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
9/9/2018 1:03 PM EST
Axad, September, 09, 2018 (HOL) – Gudiga nabadaynta isu xilqaamay daminta colaadii ka dhex qaraxday labada beelood ee Koonfurta G Sool wada daga ayaa maanta ka warbixiyey wixii u qabsoomey labadii maalmood ee ay ku sugnaayeen magaalooyinka Dhumay iyo kalabaydh.

9/9/2018 11:42 AM EST
Axad, September, 09, 2018 (HOL) –Kaddib qoraal wada jir ah oo ay soo saareen xibiyada mucaaradka dalka oo ay wehliso Kutlada baarlamaamniga ah ee Horusocod waxaa lagu taageeray go’aankii madaxda dowlad gobolleedyada dalka ay xiriirkii wada shaqeynta ugu jareen dowladda dhexe ee Soomaaliya.

9/9/2018 10:25 AM EST
Axad, September,09, 2018 (HOL)–Wejigii labaad ee mashruuc indho fiiqis bilaash ah loogu sameynayo dadka danyarta ah ayaa ayaa ka socda magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada hoose.

9/9/2018 10:03 AM EST
Axad, September, 09, 2018 (HOL)–Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta dhagax-dhigay xarunta wasaaradda qorshaynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha oo lagu samaynayo dib-u-dhis ballaaran.

9/9/2018 8:19 AM EST
Axad, September, 09, 2018 (HOL)-Inta la xaqiijinayo 17 ruux ayaa ku dhimatay Axadii maanta kaddib markii ay bur burtay diyaarad ka anbabaxday Garoonka diyaaradaha magaalada Jubba ee dalka Koonfurta Sudan kuna sii jeeday magaalada lagu magacaabo Yirol.

9/9/2018 3:22 AM EST
Axad, September, 09, 2018 (HOL)-Madaxweynaha Soomaaliya,Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saacadihii dambe ee Sabtidii ka ruqseeyay hay'adda nabadsugidda iyo sirdoonka qaranka ee NISA, Sareeye Guuto Cabdalla Cabdalla Maxamed,wareegtada uu soo saarey madaxweynaha waxaa kalo lugu caddeeyay in laga dhigey dhammaan darajooyinkii ciidan,kaddib soojeedin ka timid agaasimaha guud ee NISA.

9/9/2018 2:46 AM EST
Axad, September, 09, 2018 (HOL)-Eritrea ayaa dib ugu biireysa urur goboleedka IGAD iyadoo munaasabad loogu oggolaanayo lagu wado in lagu qabto magaalada Addis Ababa toddobadka dambe.

9/9/2018 1:32 AM EST
Axad, September, 09, 2018 (HOL)- Maamulka Gobolka Banaadir ayaa fuliyey qorshaha dib-u- soo celinta dhulka Danta Guud oo Jardiinka Number Afar la banneeyey oo dhismihii laga burburiyey si bilicdii Dar-jiinooyinka la soo celiyo.

9/9/2018 1:01 AM EST
Axad, September, 09, 2018 (HOL)-Madaxweyne ku-xigeenka Puntland,Cabdixakiim Cabdullaahi Cumar (Camey) oo ka hadlay shirka madasha wada-tashiga dowlad-gobolleedyada ee lugu soo gabagabeeyay magaalada Kismaayo, wuxuu sheegay inaysan maslaxad ugu jirin bulshadda Soomaaliyeed.