3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 9 , 2018
Madaxweyne ku-xigeenka Puntland : Waan soo dhaweyneynaa shirka uu ku baaqay madaxweyne Farmaajo

 

Axad, September, 09, 2018 (HOL)-Madaxweyne ku-xigeenka Puntland,Cabdixakiim Cabdullaahi Cumar (Camey) oo ka hadlay shirka madasha wada-tashiga dowlad-gobolleedyada ee lugu soo gabagabeeyay magaalada Kismaayo, wuxuu sheegay inaysan maslaxad ugu jirin bulshadda Soomaaliyeed.

Camey, wuxuu sheegay in looga baahan-yahay hoggaamiyayaasha Soomaaliyeed in si wadajirka ah looga tashado masiirka umadda Soomaaliyeed, isagoo inta ku daray in looga baahan-yahay khilaafyada jira wada-hadal in lugu dhammeeyo.

" Shirka waxaan qabaa inuu-yahay shir rajo badan laga qabay, laakin aad haatan moodin in umudda Soomaaliyeed ka naxeen... koley shirka waxaan leeyahay maslaxad uguma jirin bulshada Soomaaliyeed."ayuu yiri madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo dhinaca kale soo dhaweeyay shirka uu ku baaqay madaxweyne Farmaajo ee u isagu yeerey madaxda dowlad-gobolleedyada.

" Ka soo horjeesi looma qaadan karo hadalkeygan oo kama soo horjeesan karo madaxweynaheyga .. annigu taan  arko waxaa weeye waxyaabaha masiiriga ah oo dhan in laga wada-tashado oo sida ugu wanagsan la isku raaco oo shirka lala-tago ." ayuu yiri madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo wareysi uu siiyay warbaahinta SBC lugu waydiiyay sababta uu shirka uga soo horjeedo, xilli uu shir guddoonka lahaa madaxweynaha Puntland.

Camey  ayaa natiijada shirkan hoos u dhigey, xilli madaxweyne ku-xigeenka Galmudug hadal uu warbaahinta siiyay goor sii horeysay uu uga soo horjeestay dhammaan go'aamada shirka ka soo baxay.

Dhinca kale madaxweyne ku-xigeenka dowlad gobolleedka Puntland Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Camey ayaa sheegay in ka maamul ahaan sida uu hadalka u dhigay soo dhaweynayaan shirka uu ku baaqay madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

‘’Waan soo dhaweynayaa baaqa madaxweynaha ee ah shir leysugu yimaado, waayo waxaa u arkaa arin bilow wanaagsan noqon karta, horey-na waan u sheegay waa in la wada hadlaa, ajnabi kalama nihin, isku luuqad ayeey-nu ku hadleynaa ayuu yiri’ madaxweyne ku-xigeenka Puntland.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online















Click here
9/9/2018 1:03 PM EST
Axad, September, 09, 2018 (HOL) – Gudiga nabadaynta isu xilqaamay daminta colaadii ka dhex qaraxday labada beelood ee Koonfurta G Sool wada daga ayaa maanta ka warbixiyey wixii u qabsoomey labadii maalmood ee ay ku sugnaayeen magaalooyinka Dhumay iyo kalabaydh.

9/9/2018 11:42 AM EST
Axad, September, 09, 2018 (HOL) –Kaddib qoraal wada jir ah oo ay soo saareen xibiyada mucaaradka dalka oo ay wehliso Kutlada baarlamaamniga ah ee Horusocod waxaa lagu taageeray go’aankii madaxda dowlad gobolleedyada dalka ay xiriirkii wada shaqeynta ugu jareen dowladda dhexe ee Soomaaliya.

9/9/2018 10:25 AM EST
Axad, September,09, 2018 (HOL)–Wejigii labaad ee mashruuc indho fiiqis bilaash ah loogu sameynayo dadka danyarta ah ayaa ayaa ka socda magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada hoose.

9/9/2018 10:03 AM EST
Axad, September, 09, 2018 (HOL)–Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta dhagax-dhigay xarunta wasaaradda qorshaynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha oo lagu samaynayo dib-u-dhis ballaaran.

9/9/2018 8:19 AM EST
Axad, September, 09, 2018 (HOL)-Inta la xaqiijinayo 17 ruux ayaa ku dhimatay Axadii maanta kaddib markii ay bur burtay diyaarad ka anbabaxday Garoonka diyaaradaha magaalada Jubba ee dalka Koonfurta Sudan kuna sii jeeday magaalada lagu magacaabo Yirol.

9/9/2018 3:22 AM EST
Axad, September, 09, 2018 (HOL)-Madaxweynaha Soomaaliya,Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saacadihii dambe ee Sabtidii ka ruqseeyay hay'adda nabadsugidda iyo sirdoonka qaranka ee NISA, Sareeye Guuto Cabdalla Cabdalla Maxamed,wareegtada uu soo saarey madaxweynaha waxaa kalo lugu caddeeyay in laga dhigey dhammaan darajooyinkii ciidan,kaddib soojeedin ka timid agaasimaha guud ee NISA.

9/9/2018 2:46 AM EST
Axad, September, 09, 2018 (HOL)-Eritrea ayaa dib ugu biireysa urur goboleedka IGAD iyadoo munaasabad loogu oggolaanayo lagu wado in lagu qabto magaalada Addis Ababa toddobadka dambe.

9/9/2018 1:50 AM EST
Axad, September, 09, 2018 (HOL)-Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar ayaa ciidammada Liyu booliska ugu baaqay inay ilaaliyaan xuquuqda aadanaha marka ay gudanayaan howlaha loo igmaday.

9/9/2018 1:32 AM EST
Axad, September, 09, 2018 (HOL)- Maamulka Gobolka Banaadir ayaa fuliyey qorshaha dib-u- soo celinta dhulka Danta Guud oo Jardiinka Number Afar la banneeyey oo dhismihii laga burburiyey si bilicdii Dar-jiinooyinka la soo celiyo.