4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 7 , 2018
Qarax dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay magaalada Qardho

 

Jimco, September, 07, 2018 (HOL)– Hal qof ayaa ku geeryooday shan ruux oo kalana waa ay ku dhaawacmeen qarax aan la sheegin nuuciisa balse la yiri waxa uu ahaa bir ay garaacayeen shaqaale ka tirsan geerish ku yaalla magaalada Qardho.

Qofka qaraxa ku dhintey waxaa la sheegay inuu ahaa wiil 13 jir ah oo u geeryooday dhaawac culus oo qaraxa ka soo gaaray, halka dadka ku dhaawacmay intooda badan la sheegay inay ahaayeen shaqaalihii geerashka ka shaqayn jiray, waxaana dhaawacooda la geeyay isbitaalka degmada Qardho.

Taliska qaybta Booliska ee degmada ayaa wada baaritaan ku aadan sababta dhalisay qaraxan, mana jirto warbixin ka soo baxday oo qaraxa looga hadlay illaa hadda.Waa qaraxii ugu horreeyay oo ka dhaca magaalada Qardho oo aan horay looga baran qaraxyada.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online