4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 7 , 2018
Dowladda federaalka oo ka hadashay mowqifkeeda ku aaddan shirka dowlad-gobolleedyada uga socda Kismaayo

 

Jimco, September, 07, 2018 (HOL)– Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horreeysay ka hadashay mowqifkeeda ku aaddan shirka hoggaamiyayaasha dowlad-gobolleedyada uga socda magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose.

"Dadkaa waxaan u naqaana dad Soomaaliyeed oo mas'uuliyiin ah .. shirkooda waan soo dhaweynaynaa , shirka shirarba ka dambeyn doonna - waxaan aaminsannahay inay dalka iyo hoggaankiisa wax ka leeyihiin sidaas ayaana lugu tixgaliyaa go'aamo badan oo geeddi-socodka siyaasadda fududeeyana iyaga qeyb ka ahaa." ayuu yiri wasiirka warfaafinta Soomaaliya,Daahir Maxamuud Geelle oo wariyayaasha kula hadlay Muqdisho galinkii dambe ee khamiistii.

Shirka madasha wada-tashiga hoggaamiyayaasha dowlad-gobolleedyada ayaa maalintii saddexaad ka socda magaalada Kismaayo.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online