4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 7 , 2018
Milateriga Soomaaliya oo isku-dayaya inuu soo furto odayaal u xiran al-Shabaab

 

Jimco, September, 07, 2018 (HOL)– Taliska ciidanka xoogga Soomaaliya ayaa shaaciyay inay socdaan dadaallo lugu raadinnayo sidii ay xorriyaddooda u heli lahaayeen ku dhawaad 70 qof oo u badan odayaal, kuwaas oo ay al-Shabaab maalmo ka hor ka af-duubteen deegaanka Gal-qoryaale oo ka tirsan gobolka Galgaduud.

Dadaalladan waxaa qeyb ka ah odayaal dhaqameed iyo wax-garad ka soo jeedda deegaannada Galmudug,sida ay baahisay wakaaladda wararka dowladda u faafisa ee SONNA.

"Waxaa socda qorshayaal la doonayo in malleeshiyaadka al-Shabaab gacantooda looga soo saaro dadka ay ka qafaasheen Gal-qoryaale." ayuu yiri taliyaha howl-gallada qaybta 21aad, ee ciidanka xoogga Soomaaliya,G/dhexe Cabdiqaadir Maxamed Cartan.

Lama garanayo halka ay dadka ku hayaan kooxda al-Shabaab ee ku sugan gobollada dhexe, saddexdii bishan ayaana la sheegay inay 70 qof oo u badan odayaal inay ka qafaasheen Gal-qoryaale iyo deegaannada hoostaga.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online