4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 7 , 2018
Madaxweyne Geelle "Jabuuti waxay diyaar u tahay dib-u-heshiisiin iyo qaabeynta xiriirka Eritrea"

 

Jimco, September, 07, 2018 (HOL)– Madaxweynaha dalka Jabuutii,Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka mahadceliyay dadaallada lugu raadinayo in xal-waara laga gaaro xiisada kala dhaxeysa Jabuuti dalka Eritrea, kaddib markii labada dal gaareen heshiis horudhac ah oo u gogol-xaaraya in lasoo af-jaro colaaddii muddo taagnayd.

Madaxweyne Geelle oo khamiistii ku qaabilay aqalka madaxtooyada Jabuutii wasiirrada arrimaha dibadda ee Itoobiya, Ereteriya iyo Soomaliya ayaa sheegay in Jabuuti ay diyaar u tahay dib-u-heshiisiin iyo qaabeynta xiriirka ay la leedahay Eritrea.

Wasiirka arrimaha dibadda Eretrea,Cusmaan Saalax ayaa dhankiisa sheegay in ay dowladdiisu ka go’an tahay in ay heshiis waara la gaarto Jabuuti, lana dhameeyo wixii mad-madoow ah ee u dhexeeyay.

Labada dal, Ereteriya iyo Jabuuti ayaa sannadkii 2008 -da wuxuu dagaal ku dhexmaray xaduudda ay isku hayaan illaa haatan ee Jasiiradda Doumeira, colaaddii berrigaas billaabatay ayaa illaa iminka taagan, taasoo sababtay dagaal lagu dhammaaday maxaabiisna lagu kala qabsaday, waxaase la filaya xilli aan fogeyn inay wax walba isbadalaan,taas oo ka dhalan karta halka loo jiheeyo dadaallada socda ee la isugu soo dhaweynayo labada dal.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online