4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 7 , 2018
Soomaaliya oo guddoominaysa shirka golaha wasiirrada Jaamacadda Carabta

 

Jimco, September, 07, 2018 (HOL)– Soomaaliya ayaa la wareegaysa shir-guddoonka golaha wasiirrada Jaamacadda Carabta,kaltankiisa 151,aad, sida ay baahisay wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya.

Xukuumadda Soomaaliya waxaa ay ku sheegtay la-wareegida shir-guddoonka golaha wasiirrada jaamacadda Carabta, tusaale muujinaya dadaallada lugu raadinnayo sidii ay Soomaaliya mar kale usoo ceshan lahayd maqaamka ay ku lahayd dunidda, waxaana ay arrintan horseedi karta shirar aan la-maleysan karin oo heer sarre ah inay martigaliso caasimadda Muqdisho.

"Wasaaradda arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxaa ay soo celinaysaa maqaamka Soomaaliya ay ku lahayd dunidda si shirarka iyo shir madaxeedyada loogu qabto caasimadda Muqdisho." wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa ku sheegtay qoraal kooban oo ay baahisay.

Soomaaliya ayaa ku biirtay ururka jaamacadda Carabta sannadkii 1974, tan iyo wixii marka ka dambeeyay Soomaaliya waxay door firfircoon ka qaadaneysay shirarka uu yeelanayay ururka.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online