4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 7 , 2018
Maamul gobolleedyada oo laga dalbaday xisaab celin ku aadan lacagaha ay siiso dowladda dhexe

 

Jimco, September, 07, 2018 (HOL)–Dowladda Soomaaliya ayaa ka codsatay madaxda dowlad gobolleedyada xisaab celin ku aadan lacagaha dowladda dhexe ay siiso dowlad gobolleedyada, xili madaxda maamulada dalka shir ka dhan ah dowladda dhexe ku leeyihiin Kismaayo

Qoraal ka soo baxay wasaaradda Maaliyada xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu war-galiyay madaxda maamullada dalka in la gaaray waqtigaa la heli lahaa xisaab celin dhamaystiran oo daboolaysa isticmaalka lacagihii dawladda federaalku soo gaarsiisay muddadii u dhaxaysay 1 Janaayo ilaa 30 Juunyo loo diri lahaa wasaaradda maaliyadda.

Waxaa kaloo la weydiistay maamullada in ay keenaan xisaab celinta lacagihii 2017 ka soo gaaray 2017.

Warqadda ka soo baxday xafiiska wasiirka waxaa lagu sheegay in xisaab celinta ay shuruud u tahay “barnaamijka deyn-cafiska ee dawladdu ay heshiiska kula gashay hay’adda IMF”.

Qoraalkan ka soo baxay wasaarradda maaliyada ayaa imanaya xili madaxda dowlad gobolleedyada ku shirsnan magaalada Kismaaayo eedeymo culus oo dhinac-yo badan taabanaya u soo jeediyeen dowladda dhexe, lama oga sida ay ugu dhaga-nuglaan doonaan qoraalka ka soo baxay wasaarradda maaliyada.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]