4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 7 , 2018
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo ka warbixiyey kulamo uu la yeeshay madaxda Sucuudiga

 


Jimco, September, 07, 2018 (HOL)-Madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan C/llaahi Ismaaciil Saylici iyo wefti uu hogaaminayo ayaa dalka dib ugu soo laabtay kadib socdaal shaqo iyo acmaasha xajka isugu jira oo uu ugu maqnaa dalka boqortooyada Sucuudiga.

Waftidani uu hogaaminaayo madaxweyne ku-xigeenku ayaa waxa garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargaysa kusoo dhaweeyay boqolaal qof oo isugu jira madaxda dhaqanka, siyaasiyiin, aqoonyahano iyo haween dhamaantood ruxaayay caleemo-qoyan iyo calanka Somaliland.

Boqortooyada Sucuudiga ayaa diyaarad khaas ah ku soo qaaday oo dalka ku keenay, waxaana ujeedadda safarkooda ka warbixiyey madaxweyne ku xigeenka Somaliland Saylici, waxaanu yidhi "Waxaanu u mahad celinayaa boqorka sucuudiga isaga iyo shacabkiisaba, annagoo sidana passport kala duwan hadana dhamaantayo waxa nagoolu qoray Jinsiyadda Jamhuuriyadda Somaliland, waxa naloo qaabilay si wanaagsan, marti qaad ayuu sameeyay boqorku anaguna dadkii ayaanu kamid ahayn, waxa kale oo taa sii dheerayd in uu anniga boqorku igu daray 11-kii qof ee ugu sareeyay kulankaasi, waxa kale oo aan la iloobi karin waji fur-naanta nagula soo dhaweeyay, markii xajkii noo dhamaaday waxaanu guda galnay hawlaha qarankeena waxaanu la kulanay masuuliyiin sar-sare oo ka tirsan xukuumada, ganacsato, rugta ganacsiga jidda oo muddo dheer jirtay waxaanu dhamaantood kala kulanay inay yihiin dad ina danaynaya oo jecel inuu ina dhex maro xidhiidh weyni waxa aan sii qaaday dhambaalo madaxweynaha Somaliland hore ugu qoray dawladda sucuudiga”

Waxaanu intaas ku daray “Dhamaan wixii aanu codsanayna waji wanaagsan ayay ku aqbaleen haday furitaanka xoolaha tahay iyo haday baasaaboorkeena inay aqbalaan tahayba, waxay noo sheegeen inay ganacsatadooda ku boorinayaan inay maal-gashadaan dalka Somaliland dhamaan intii ka qayb gashay hawshayadaasna aad baan ugu mahad celinayaa"

Madaxweynaha waxa safarkiisa ku wehelinayey Wasiir ku xigeenka Warfaafinta, Maxamed Muuse Abees, wasiirka Xidhiidhka Golayaasha iyo arrimaha dastuurka Maxamed Xaaji Aadan, Sidoo kale waxa weftiga la socday Siyaasi Maxamed Nuur Caraale Duur oo ka tirsan xisbiga WADDANI.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.