4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 7 , 2018
Baarlamaanka dowlad deegaanka oo isku raacay in la badalo calanka iyo magaca Ismaamulka Soomaalida

 

Jimco, September, 07, 2018 (HOL)– Baarlamaanka dowlad deegaanka Ismaamulka Soomaalida oo fadhi ku yeeshay magaalada Jigjiga ayaa qaatay go’aamo masiir ah, iyaga oo isku raacay in la badalo calanka iyo magaca ismaamulka Soomaalida.

Dhinaca kale baarlamaanka ayaa doortay afhayeen cusub oo noqonaya ninka lagu magacaabo Maxamed Aadan Ugaas, waxaa sidoo kale guddoomiye ku-xigeen loo doortay in uu noqdo Cabdullaahi Siciid Cumar

Magaca dowlad deegaanka ayaa wixii hadda ka danbeeya noqonaya ‘’Dowlad deegaanka Soomaalida’’ iyadoo meesha laga saarayo Itoobiya, iyaga oo sidoo kalana qaatay iskuna raacay uu ka muuqdo midabka buluuga ah ee xidigta shanta gees.

Xubnaha baarlamaanka waxay in muddo ah ka doodeen wax ka beddelka heesta calanka iyo maalinta fasaxa, waxayna ugu dambayntii ku heshiiyeen in arrimahaas loo saaro guddi ka soo talo bixiya waxa laga yeelayo.

Qorshayaashan ayaa la hadal hayey tan iyo markii uu hogaanka qabtay Mustafe Cagjar oo ah madaxweynaha ku-meel-gaar ah ee dowlad deegaanka Soomaalida ahna madaxweyne ku-xigeen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]