4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 7 , 2018
Kenya oo dib u soo celisay diyaarad ay la socdeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya

 

Jimco, September, 07, 2018 (HOL)– Dowladda Kenya ayaa is hortaagtay Talaadadii todobaadkan diyaar ka anbabaxday magaalada Muqdisho in ay ka digto garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta.

Diyaaradan ayaa dadkii la socday waxaa ka mid ahaa wasiirka Amniga xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abukar Islow, dib ayeey-na markii danbe ugu soo noqotay magaalada Muqdisho, iyada oo degtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde oo markii horeba ay ka duushay.

"Kabtanka diyaaradda ayaa u sheegay rakaabkii la socday in mas'uuliyiinta Kenya ay diideen in diyaraadu caga-dhigato sababo ay ku sheegeen dhinaca amnga iyo aysan ogolaasho heysan.

Dowladda Kenya aya horey u amartay in diyaaradaha ka yimaada dhinaca Soomaaliya ay qasab tahay in ay soo maraan garoonka diyaaradaha Wajeer si baaritaan loogu sameeyo, hasse ahaatee arintaa waxaa horay heshiis uga gaaray madaxda labada dowladood oo isku afgartay in dullimaadka ka taga Muqdisho uu toos uga degi karo garoonka Jomo Kenyatta, iyada oo aan la sii marin Wajeer.

Wali ma jiro wax war ah oo ay dowladda Soomaaliya ka soo saartay arinta ku saabsan diyaarada laga soo celiyay Nairobi.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]