4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 7 , 2018
Wararkii ugu danbeeyay Wasiirro arrimo dibeddeedka ku shirsan Jabuuti

 

Jimco, September, 07, 2018 (HOL)– Kaddib kulan magaalada Jabuuti ay ku yeesheen wasiirro arrimo arrimo dibeddeedka wadamada Soomaaliya, Jabuuti, Eritrea iyo Itoobiya ayaa waxaa laga soo saaray war-murtiyeed kooban.

War-murtiyeedka ayaa lagu sheegay in ay tallaabadani tahay mid weyn oo loo qaaday dhanka adkaynta nabadda iyo deggenaanshaha gobolka, iyadoo lagu taageerayo is-dhexgalka dhaqaale iyo bulsho dalalka Geeska Africa.

Sidoo kale war-murtiyeedka ayaa lagu sheegay in socdaalka wasiirro arrimo dibeddeedka wadamada Geeska Africa ay ku tageen Jabuuti uu noqonayo mid ka dhashay dadallada guud ahaanba ka socda dalalka gobolka ee la doonayo in lagu soo celiyo wadajirka.

 

Socdaalka wasiirro arrimo dibeddeedka dalalka Itoobya, Soomaaliya iyo Eritrea ay ku tageen dalka Jabuuti ayaa ka dhashay kulan madaxdeedkii madaxda saddexda dal ee ka dhacay magaalada Asmara.

Waxaa muuqata in uu soconayo dadaal xoog leh oo la doonayo in lagu dhameeyo khilaafka labada dowladdood ee Jabuuti iyo Eritrea oo uu ka dhaxeeyo muran la xiriira dhulka ama xuddduuda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]