4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 7 , 2018
Dowladda Soomaaliya oo Mareykanka ka dalbatay xoojiyaan weerarradda ka dhanka ah Al-shabaab

 

Jimco, September, 07, 2018 (HOL)–Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi (Indhaqarshe) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay saraakiil ka socotay dawladda Mareykanka, waxaana ay ka wada hadleen dib u dhiska ciidanka iyo arrimo kale.

Si gaar ah ayaa labada dhinac waxay uga wada hadleen siddii dawladda Mareykanka ay ciidamada xoogga dalka uga taageeri laheyd xoreynta dalka, tababarka ciidamada, is dhaafsiga qibadaha dhanka ciidamada iyo qodobo kale.

Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi ayaa waxaa uu dawladda Mareykanka ka dalbaday in ay kordhiyaan taageerida, tababarada ay siinayaan ciidamada xoogga dalka iyo weerarada ay Al- shabaab la beegsanayaan.

“Madaxweyne Farmaajo waxa uu dalbaday in Al shabaab si deg deg ah looga saaro dalka, taas bedelkeedana waxaa ay keentay in dowladda ay shaaciso inay qaadi doonto dagaal xoogan, waxaana dagaalkaasi dalka looga saarayo cadowga leynaya shacabka”. ayuu yiri taliyaha xoogga.

Dawladda Mareykanka ayaa ka mid ah dowladaha sida gaarka ah Soomaaliya uga caawiya dhanka tababarada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]