Jimco, September, 07, 2018 (HOL)– Qaramada Midoobay ayaa soo saartay warbixin ay ugaga hadlayso
xoriyada hadalka ee dalka Soomaaliya iyadoo warbixinta lagu sheegay in horumar
laga sameeyay xoriyaa hadalka balse weli loo baahan yahay in la sii hormariyo.
WAR SAXAAFADEED
XORRIYADDA HADALKA EE SOOMAALIYA: WELI LAMA HELIN
Warbixinta Qaramada Midoobay ayaa muujineysaa in inkastoo xoogaa horumar ah
uu jiro, sharci la’aantu ay hortaagantahay horumarka.
Soomaaliya waxay horumar ka sameysey hubinta xaqa xorriyadda hadalka laakiin
waxay u baahan tahay inay sameyso intaa ka badan si loo soo afjaro caqabadaha
hadhay – oo ay ka mid yihiin dilal, garaacis, dhibaateyn, xiritaan aan sharci
aheyn iyo xabsi sharci darro ah, hanaanka nidaam cadaalad ah ama maxkamad
caddaalad ah oo aan jirin iyo xidhitaanka xarumaha warbaahinta – sida lagu
sheegay warbixinta Qaramada Midoobay ee maanta la faafiyay. Waxay bixinaysa
xogwarran ku saabsan warbixinta xuquuqda aadanaha guud ahaan ee ay UNSOM
samaysay sannadkii 2016.
“In kasta oo ay jiraan dadaallo iyo horumar laga gaaran dhanka
sharci-dejinta, waxaa nasiib darro ah in xadgudubyo iyo tacaddiyo ku saabsan
xaqa xorriyadda hadalka weli la diiwaangeliyo,” Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha
Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating’’, ayaa sidaa
ka sheegay munaasabad warbixinta lagu daahfurayay ee ka dhacday caasimadda Soomaaliya.
Warbixinta oo lagu magacaabay ‘Ku Naalooshada aan Sugneyn ee Xorriyada
Hadalka ee Soomaaliya,’ oo ay diyaarisay Hay’adda Howlgalka Kaalmaynta QM ee
Soomaaliya (UNSOM), ee uu Md. Keating madaxa ka yahay, waxay daboolaysa oo ay
ka hadlaysaa muddada laga billaabo 1da Agoosto 2016 ilaa 31ka Luulyo 2018.
Warbixinta cusub ayaa sheegaysa in ka dib markii ay olole sameeyeen
saxafiyiinta iyo bulshada rayidka, Dowladda Federaalku ay sharciga saxaafadda
qaranka u furtay in dib u eegis lagu sameeyo si wax looga qabto walaaca ay
qabaan saxafiyiinta iyo shaqaalaha kale ee warbaahinta. Waxay sidoo kale
sheegaysaa in, iyada oo ka jawaabaysa dadaallada ololeynta, dowlad goboleedla
waqooyi ee Puntland ay wax ka bedeshay sharcigeeda warbaahinta iyadoo lagu
sameeyay isbedel ballaarinaya ku naalooshada xaqa xorriyada hadalka, halka
dowlad goboleedka koonfureed ee Jubbaland ay billowday sharci warbaahinta.
Sida warbixinta lagu sheegay, inta lagu jiray muddada dib-u-eegista lagu
sameynayo, siddeed saxafi iyo shaqaale warbaahin ayaa la dilay, 32 qofna waa la
dhaawacay, 94 ka mid ah saxafiyiinta iyo shaqaalaha kale ee warbaahinta ayaa si
gar darro ah la iska xiray oo/ama la geliyay xabsi dheer iyagoo lagu eedeeyay
dacwado la xiriira ku dhaqanka xoriyadda hadalka. Al-Shabaab ayaa weli ah
dembiilaha ugu weyn ee geysta dilalka iyo dhaawacyada loo geysto saxafiyiinta
iyo shaqaalaha kale ee warbaahinta.
Intaas waxaa dheer, inta isla muddadaas logu jiray, mas’uuliyiinta hay’adaha
qaranka ama kuwa Dowlad-goboleedyada Federaalka ayaa ama xiray, xannibay ama
tebinta wararka ka xayiray 19 xarun warbaahin (toddobo xarun telefishan, shan
idaacadood, shan bog internet iyo laba wargeys), ama ku eedeeyay inay xiriir la
leeyihiin Al-Shabaab, ama faafinta “war been ah” oo loo arko inay halis
galinayaan amniga qaranka.
Soomaalidu waxay qiimeeyaan xorriyadda hadalka. Waa qayb muhim ah oo ka mid
ah dhaqankooda. Waxaa muhim u ah dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed inay xor u
noqdaan inay dhiibtaan ra’yigooda, gaar ahaan iyadoo dalku u diyaargaroobayo
doorashooyinka 2020-2021,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Keating.
“Si Xorriyadda hadalku ay u noqoto mid dhab ah, Soomaaliya waa inay damaanad
qaaddaa madax-bannaanida warbaahinta, sharciga warbaahinta waafajiso Dastuurka
Federaalka Ku meelgaarka iyo halbeegyada xuquuqda aadanaha ee gobolka iyo kuwa
caalamiga ah, ayna baabi’iso/tirtirto sharciyada xaarantinimaynaya faafinta
“wararka beenta ah”
Warbixinta ayaa sidoo kale sheegaysa in, iyadoo tirada saxafiyiinta iyo
shaqaalaha kale ee warbaahinta ee la dilay ay hoos ugu dhacay boqolkiiba 27
marka la barbardhigo Janaayo 2014-Agoosto 2016, tirada dadka la qabtay oo la
xiray laguna eedeeyay dacwad la xiriirta xoriyadda hadalka ayaa kor u kacday
boqolkiiba 70. Tiradan waxaa ka mid ahaa dadka ka qaybgalay banaanbaxyo,
siyaasiyiin, taageerayaal xisbiyo siyaasadeed, dad wax ku qora bogag internet
iyo difaacayaasha xuquuqda aadanaha, gabayaa, dhaqdhaqaaqayaasha bulshada
rayidka, odayaal iyo muwaadiniinta u banaanbaxaya taageero ay muujinayaan
midnimada Soomaaliyeed. Warbixintu waxay sare u kacan xadgudubyada, oo si gaar
ah u saameysay dadka reer Somaliland, u aaneyneysaa doorashooyinkii
madaxwaynaha ee November 2017, muujinta taageerada midnimada Somaaliyeed, iyo
colaadda Tukaraq ee u dhexeysa “Somaliland” iyo Puntland ee qaraxday bishii May
2018.
Talooyinka ay warbixintu soo jeedisay waxaa ka mid ah in si degdeg ah loo
hirgeliyo tallaabooyinka lagu ilaaliyo suxufiyiinta iyo shaqaalaha kale ee
warbaahinta, maxkamadeynta dadka lagu eedeeyay inay geysteen xadgudubyada ka
dhanka ah shaqaalaha warbaahinta iyo siyaasiyiinta, iyo sameynta Guddiga
Federaalka Soomaaliyeed ee Xuquuqda Aadanaha.
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
[email protected]