Arbaco, September, 05, 2018 (HOL)– Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa
hor-kacaya dadaallo lagu xoojinayo qodobbadii ka soo baxay Madasha Iskaashiga
Shiinaha iyo Afrika, isaga oo ka shaqaynaya heshiis u dhexeeya dalalka Geeska
Afrika oo ku saabsan isdhexgalka dhaqaale.
Madaxweyne Farmaajo, Raysalwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed
iyo Madaxweynaha Ereteriya Isaias Afwerki ayaa la qorsheeyey in ay ku kulmaan
magaalada Asmara, 6-da iyo 7-da bisha Sebteembar 2018, si ay uga wada
xaajoodaan adkaynta xasilloonida amni iyo dhaqaale ee gobolka ee Geeska Afrika.
Hoggaamiyeyaasha ayaa sidoo kale ka wada hadli doona,
qaabkii lagu soo afjari lahaa dhammaan khilaafyada siyaasadeed iyo bulsho ee u
dhexeeya dalalka Geeska si loo helo waddamo daris ah oo is-oggol, si nabad ahna
u wada nool.
Soomaaliya ayaa doonaysa inay kaalin weyn ka qaadato
isdhexgalka dhaqaale iyo bulsho ee Geeska Afrika, si loo dardargeliyo ganacsiga
iyo maalgashiga, loona kobciyo isku xirnaanta bulshada iyo dhaqaalaha Geeska.
Soomaaliya waxa ay Beijing ku saxiixday Hindisaha
Kaabayaasha Dhaqaalaha (Belt and Road Initiative) oo fududeenaya isku xirnaanta
iyo horumarka dhaqaale ee waddamada qaybta ka ah.
Himilada Soomaaliya ee ah in ay hormuud u noqoto qorshaha
lagu abuurayo isbahaysi ganacsi oo dhexmara waddamada Geeska ayaa horseedaya
xasillooni iyo horumar dhaqaale oo ka dhaca waddamada Geeska Afrika.
Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika ayaa 4tii
Sebtembar lagu soo gabagabeeyay magaalada Beijing, waxaana dowladda Shiinaha ay
ku bixineysaa 3da sano ee soo socoto 60 bilyan oo Doollar oo isugu jirta lacago
lagu hormarinayo kaabeyaasha dhaqaalaha ee Qaaradda, deeqo iyo daymo, waxaana
lagama maarmaan ah in dalalka Gobolka ay u diyaar garoobaan ka faa’iideysiga
mashaariicda Shiinaha.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]