4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 5 , 2018
Markab laga leeyahay dalka Itoobiya oo ku xirtay Eritrea

 

Arbaco, September, 05, 2018 (HOL)–Markabkii ugu horreeyey  ee laga leeyahay dalka Itoobiya ayaa  20 sano kadib maanta ku xirtay dekedda Eritrea , sida ay Twitterka ku qortay warbaahin xiriir la leh dawladda.

Ra'iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa hadda ku sugan dalka Eritrea, isaga oo wadahadal la leh madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki, ka dib markii labada masuul ay bishii Luulyo kala sixiixdeen in la soo afjaro colaadii dhex taalay labada dal.

Itoobiya iyo Eritrea ayaa hadda u muuqdo kuwo isaga soo dhawaanaya sidii hore booqashadan uu Abiy Ahmed ku tagay Asmara waxaa ay noqoneysaa tii labaad tan iyo markii ay kala saxiixdeen labada dowladood heshiiska.

Dagaalka Itoobiya iyo Eritrea ayaa bilaawday sanadkii 1998 isaga oo socday ilaa laga soo gaaro sanadkii 2000, waxaana uuu dagaalka galaaftay nolasha Kumannaan Kun oo dad ah kana kala tirsanaa labada dowladood.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]