4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 5 , 2018
Madaxweyne Farmaajo oo booqashadiisii labaad ku tagaya magaalada Asmara ee dalka Eritrea

 

Arbaco, September, 05, 2018 (HOL) –Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in maanta socdaalkiisii labaad uu ku tago magaalada Asmra ee dalka Eritrea.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta dalka Eritrea Yemane G. Meskel‏ ayaa boggiisa Twitter-ka ku sheegay in magaalada Asmara uu socdaal ku imanayo madaxweynaha Soomaaliya oo sida uu sheegay ka qeybgali doona shir ay yeelanayaan madaxweyne Isaias Afwerki iyo ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Lama oga ujeedada socdaalka madaxweynaha dowladda Soomaaliya iyo shirka saddex geesoodka wax looga hadlayo, hasse ahaatee safarkii kan ka horeeyay ee madaxweyne Farmaajo uu ku tagay Asmara waxaa siweyn uga hor yimid dowladda Jabuuti oo khilaaf dhinaca xudduuda ah uu kala dhaxeeyo Eritrea.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]