4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 5 , 2018
Guddiga doorashada oo sheegay in la soo dhameys-tirayo Kuraasta ka bannaan golaha Shacabka

 

Arbaco, September, 05, 2018 (HOL)–Iyadoo maalintii shalay magaalada Dhuusa-Mareeb ee xarunta u ah maamul gobolleedka Galmudug lagu soo doortay mid ka mid ah kuraasta ka bannaan golaha Shacabka ayuu guddiga doorashada sheegay in la qabanayo doorashada kuraasta kale ee  ka banaan golaha shacabka ee degaan doorashadooda ay tahay magaalada Baydhabo.

Kuraastan dhiman ee ka bannaan golaha Shacabka ayaa waxaa banneeyay Xusseen Cusmaan Xuseen oo hada ah Agaasimaha Hay’ada Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya iyo Marxuum Khaliif Cabdullaahi oo geeri-yooday.

Guddiga ayaa sheegay in kursi ka mid ah labada kursi uu diyaarsan yahay musharaxii iyo ergadiina ay diyaar yihiin balse kursiga kale ay diyaarinayaan doorashadiiisa.

Guddiga ayaa ugu baaqay odayaasha dhaqanka in ay soo gudbiyaan liiska ergada doorashada ka qeyb galeyso.

Guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka Xaliimo Yareey ayaa sheegtay in waqtiga loogu tala galay ay ku qabanayaan doorashada labada kursi.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]