3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 5 , 2018
Al-shabaab oo xiray in ka badan 60 oday dhaqameed

 

Arbaco, September, 05, 2018 (HOL) – Wararka ka imanaya gobollada dhexe Soomaaliya, gaar ahaan gobolka Galguduud ayaa sheegaya in Al-shabaab qafaasheen in ka badan 60 odey dhaqameed.

Wararku waxaa ay sheegayaan in odayaashan ay xireen Al-shabaab in loo heysto bixinta diyo loo heysto dad ehel yihiin, diyada loo haystay odeyaasha ayaa gaaraysa 100 halaad islamarkaasna waxaa lagu ballamay in sannad kasta ay bixiyaan diyada hal qof.

Wararku waxay sheegayaan in sannadkani ay odeyaasha ka cago jiideen dhamaystirka bixinta diyadaasi.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa sheegay in ku dhawaad 70 oday ay Shabaab afduubteen islamarkaana ay la aadeen degmada Ceelbuur oo ay ku sugan yihiin Shabaab.

Al-shabaab wali kama aysan hadal odayaashan la sheegay in ay ka qafaasheen deegaannada gobollada dhexe, gaar ahaan gobolka Galguduud.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
9/5/2018 2:48 PM EST
Arbaco, September, 05, 2018 (HOL)–Nin ayaa ku dhintay tuulada Dharkayn-Geenyo oo 70Km. ku dhawaad galbeed uga aadan magaalada Laascaanood Xarunta gobolka Sool.

9/5/2018 9:46 AM EST
Arbaco, September, 05, 2018 (HOL)– Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hor-kacaya dadaallo lagu xoojinayo qodobbadii ka soo baxay Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika, isaga oo ka shaqaynaya heshiis u dhexeeya dalalka Geeska Afrika oo ku saabsan isdhexgalka dhaqaale.

9/5/2018 8:41 AM EST
Arbaco, September, 05, 2018 (HOL)–Markabkii ugu horreeyey ee laga leeyahay dalka Itoobiya ayaa 20 sano kadib maanta ku xirtay dekedda Eritrea , sida ay Twitterka ku qortay warbaahin xiriir la leh dawladda.

9/5/2018 6:41 AM EST
Arbaco, September, 05, 2018 (HOL) – Xildhibaanka laga soo doorto deegaanka Kamukunji ee Islii ay katirsantahay ee magaalada Nairobi, Yuusuf Xasan Cabdi ayaa ka dalbaday bulshada Soomaalida ee ku nool Islii inay is dejiyaan, kaddib markii ay soo baxday warar ku saabsan howlgallo cusub oo ka billaabannaya xaafadda Soomaalida.

9/5/2018 4:20 AM EST
Arbaco, September, 05, 2018 (HOL)–Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in maanta socdaalkiisii labaad uu ku tago magaalada Asmra ee dalka Eritrea.

9/5/2018 3:30 AM EST
Arbaco, September, 05, 2018 (HOL) – Iyadoo maalintii shalay magaalada Dhuusa-Mareeb ee xarunta u ah maamul gobolleedka Galmudug lagu soo doortay mid ka mid ah kuraasta ka bannaan golaha Shacabka ayuu guddiga doorashada sheegay in la qabanayo doorashada kuraasta kale ee ka banaan golaha shacabka ee degaan doorashadooda ay tahay magaalada Baydhabo.

9/5/2018 1:30 AM EST
Arbaco, September, 05, 2018 (HOL) – Brett Kavanaugh oo ah garyaqaan uu Madaxweynaha Maraykanka D. Trump u soo xulay inuu noqdo xaakimka 9aad ee Maxkamadda Sare ee Maraykanka ayaa sheegay in falfasaddiisu ay tahay mid aan laa-laab lahayn. Waxa uu sheegay in xaakim looga baahan yahay inuu sharciyo fasiro ee aan looga baahneyn inuu sharci dejiyo.

9/5/2018 12:51 AM EST
Arbaco, September, 05, 2018 (HOL)–Iyadoo uu dhamaaday muddo xileedkii danjiraha xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Michael Keating ayaa lagu wadaa in uu shaqada la wareego Nicholas Haysom oo u dhashay dalka Koonfur Africa.