4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 4 , 2018
Mid ka mid ah gabdhihii ugu horeeyay xulka Qaranka Kubadda Koleyga Soomaaliya oo geeriyootay

 

Talaado, September, 04, 2018 (HOL) - Alle ha u naxaristeen Saciido Nuur Abuukar [Saciido Wariiri] oo ka mid ah aheyd gabdhihii ugu horeeyay xulka Qaranka kubadda Koleyga Soomaaliya ayaa ku geeriyootay magaalada Toronto ee dalka Canada.

Saciido ayaa la sheegay in waayadii ugu danbeeyay ay la il darneyd xanuun soo wajahay oo ugu danbeyntii sababay in ay ugu geeriyooto Isbitaal ku yaala magaalada Toronto maalmihii aynu soo dhaafnayba ay ku jirtay.

Saciid ayaa u soo cayaartay xulkii kubadda Koleyga Soomaaliya, iyada oo ka qeybgashay cayaaro heer caalami ah, gaar ahaan tartankii Qaaradda Africa ee Kubadda Koleyga oo Toddobaata-meeyadii lagu qabtay dalka Masar.

Dadkii yaqiinay ayaa ku si feeyay in ay aheyd qof cayaaraha iyo guud ahaanba Sport-ga siweyn u jecleyd, islamarkaana ay ku dayan-jireen gabdhaha kale ee asaageedda ahaa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]