4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 4 , 2018
Muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku dhintay dab qabsaday goobtooda ganacsi dalka Koonfur Africa

 

Talaado, September, 04, 2018 (HOL) - Maalmihii aan soo dhaafnay waxaa Koonfur Africa ka taagnaa weerarro ku saleysnaa isir-naceyb oo lagu boobay ganacsiga dadka  ajaanibta ah  oo Soomaalida ka mid yihiin, ka sokow boobka han-tiyeed ee soo gaaray Soomaalida, waxaa jira saddex muwaadiniin Soomaaliyeed oo dab uu qab-saday goob-tooda ganacsi.

Allah ha u naxariistee sadaxda muwaadin Soomaaliyeed oo lagu kala magacabi jiray, Cali Ow Maxamed Maxamuud Carraale oo 30 jir ahaa, Cismaan Abuukar Maxamuud oo 19 jir ahaa iyo Axmed Macallim Cumar Foodeey 16 jir ayaa ku naf waayay dab  kacay goob ganacsi xafaadda Uitsig ee duleedka magalaada Cape Town ee dalka Koonfur Africa.

Dhinaca kale Safaarradda Soomaaliya ee Koonfur Africa iyo guddi laga soo xulay beec-mushtarka Soomaalida ah kaddib rabshadahan, si ay ula xaajoodaan dowladda Koonfur-afrika ayaa soo saaray war murtiyeed, iyagoona ganacsatada ugu baaqay in aayan ku laaban goobihii hantidooda lagu boobay maadaama wali laga cabsi qabo rabshado hor le in ay dhacaan.

Safaaradda ayaa sheegtay in ay ku howlan-tahay xal uhelidda mashaqadan, waxayna tilmaantay in ay wadahallo toos ah la furtay wasaaradda arimaha dibadda Koonfu-Afrika iyo laamaha amniga si loo soo daayo muwaadiniin lagu xiray sifo aan sharci aheyn.

Wali waxaa taagan cabsida ah in maalma soo socda rabshado dhacaan, si gaarana 8 bishan oo la sheegay in dadka degan meelihii horay boobku uga dhacay oo aay Soweto ku jirtay dibad baxyo dhigi doonaan.

Abdisalan Nor Dirie

Hiiraan Online

[email protected]