4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 4 , 2018
Cabdullaahi Gaafoow oo ku guuleystay xubinnada xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka

 

Talaado, September, 04, 2018 (HOL) - Doorashada kursi ka mid ah Golaha Shacabka Soomaaliya oo maanta ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ee  gobolka Galgaduud ayaa waxaa ku guuleystay Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Cabdullaahi Gaafoow Maxamuud.

Musharax Xiireey Muxudiin Cumar oo ah Guddoomiyihii hore ee degmada Dayniile ee gobolka Banaadir ayaa la tartamayay Cabdullaahi Gaafoow Maxamuud balse inta aysan doorashada bilaaban ayuu ku dhawaaqay Musharax Xiireey inuu tanaasulay, balse guddiga Doorashooyinka ayaa go’aamiyay inay codeeyaan ergada oo tartan lagu kala baxo maadaama sidaas hore loo qorsheeyay.

Cabdullaahi Gaafoow Maxamuud ayaa helay codad gaaraya 43-cod halka Musharax Xiireey Muxudiin Cumar uu helay 7-cod sida ay ku dhawaaqeen Guddiga, sidaas waxaa fursad u helay inuu ku guuleysto buuxinta kursigaasi ka bannaanaa Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Gaafoow Maxamuud.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]