4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 4 , 2018
Shirka golaha iskaashiga dowlad-gobolleedyada oo goor dhow Kismaayo ka furmaya

 

Talaado, September, 04, 2018 (HOL) - Golaha iskaashiga dowlad-gobolleedyada Soomaaliya ayaa lugu wadaa goor dhow inuu shirkoodii saddexaad uga furmo magaalada Kismaayo kuwaasi oo halkaasi gaaray labadii maalin ee u dambeysay, sheegayna inay ka arrinsanayaan arrimaha khuseeya maamulladooda.

Shirkan oo uu marti geliyay madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa madaxda dowlad-gobolleedyada waxaa ay sheegeen in shirkan looga arrinsasanayo arrimaha masiiriga ah ee u gaarka ah, khuseeyana iskaashigooda iyo guud ahaan danta caam ka ah, sida uu Kismaayo ka sheegay madaxweynaha Puntland.

"Waxaan rabnaa inaan helno dowlad-gobolleedyo mid ah, hadafkooduna yahay Soomaalinimo, hirgeliyana nidaamka fadaraaliisamka." ayuu yiri madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Gaas oo sidoo kale ah guddoomiyaha golaha iskaashiga dowlad-gobolleedyada oo Axaddii wariyayaasha kula hadlay Kismaayo.

Hoggaamiyayaasha dowlad-gobolleedyada, waxaa kalo ay shirkooda ku raadinnayaan sidii guul waarta looga gaadhilahaa xal u helida wadashaqaynta, nabadaynta iyo taabegelinta federalism ee ka dhaxaysa dowlad-gobolleedyada iyo dowladda federaalka Soomaaliya, sida u sheegay sarkaal sare oo la hadlay Hiiraan Online.

 Shirka waxaa ku waheliya golaha iskaashiga dowlad-gobolleedyada, xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya,Michael Keating - isagoo jeedin doonna khudbad sharafeed, maaddaama muddo xiliyeedkii uu ka dhammaan doono dhawaan, sida ku cad war qoraal ah oo looga hadlay kulan uu Isniintii la qaatay Keating, madaxda dowlad-gobolleedyada.

Xasan Nuur, Hiiraan Online

[email protected]

Kismaayo-Soomaaliya.