4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 4 , 2018
Warshadleyda Somaliland oo ka cabanaysa wareegta laga soo saaray cashuur dhaaf loo samayn jirey

 

Talaado, September, 04, 2018 (HOL) - Ururka Warshadleyda Somaliland ayaa si weyn uga hor timid wareegtadii uu madaxweyne Muuse Biixi ku joojiyey cashuur dhaaf loo samayn jirey alaabta iyo badeecadaha dibada uga yimaada warshadaha.

Ururka warshadleyda ayaa sheegay hadii cashuur dhaafkaasi loo samayn jirey alaabta qaydhin ee dibada ka soo iibsadaan la joojiyey ay sababi doonto in warshaduhu xidhmaan, isla markaana wadanka ceeb ku noqon doono oo dadkii maalgashan lahaa dib uga laabanayaan.

Qoraal cabasho ah oo ay u qoreen madaxweynuhu in uu go’aankaasi ka noqdo ayey ku sheegeen in wareegtada cashuur dhaafta loo samayn jirey lagu joojiyey ay dhibaato u keenayso warshadaha dalka ka furan.

“Madaxweyne waxaanu ku sheegayna in madaxweynihii kaa horeeyey wuxuu digreeto ku amray in wasiirka Maaliyaddu in badeecadaha dalka gudihiisa lagu sameeyo kuwo la midka ah ee dibada laga keenayo in cashur dheeraad ah la saaro, taasina madaxweyne lama fulin oo waa layska dhago tirey.”ayuu yidhi gudoomiyaha ururka warshadleyda Somaliland Maxamed Sh. Cumar.

Waxa kale oo ay ka hadleen joojinta cashuur dhaaftaasi loo samayn jirey, waxaanay qoraalkooda ku yidhaahdeen sidan “waxaanu ka codsanayna in dib u eegid arintaasi wareegta ah ee aad soo saartay wixii ka khuseeya warshadaha dalka maadaama ay warshadaha dalku xidhmayaan oo aanay ku shaqayn Karin hadii laga cashuuro alaabta caydhin iyo qalabka ay warshaduhu ku shaqeeyaan.”

Sidooo kale, waxay sheegeen in madaxweynuhu wareegtadaasi ku sheegay in saddex sanno oo kaliya warshada cusub loo sameeyo cashuur dhaaf, haseyeeshee warshadii hore u jirtay hadii ay timaado warshad la mid ah oo cusub oo cashuur dhaaf loo sameeyo ay sababayso inay meesha ka saarto tii ka horeysay ee jirtay maadaama oo ka qiimo jabnaanayso wax soo saarkeeda tii la midka ahayd ee hore u jirtay.

Warshadleydani waxay sheegeen in dib loo eego wareegtadaasii oo la jaanqaadi Karin koritaanka warshadaha yaryar ee dalka ka abuurmaya.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.