4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 29, 2018
Jawaahir Baarqab : Muqdisho waxaa ku yaala guryo la geeyo gabdhaha la afduubto si jirkooda looga ganacsado

 

Sabti, September,29,2018, (HOL)– Guddoomiyaha Ururka haweeenka gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab ayaa markii ugu horeysay ka hadashay arrimo xasaasi ah oo ku saabsan afduub lagula kaco gabdho yar yar gaar ahaan kuwa qurbaha ka soo laabto in ay jiraan guryo magaalada Muqdisho ku yaala oo gabadhaas la geeyo si jirkooda looga ganacsado.

Jawaari ayaa sidoo kale soo hadal qaaday in xiliyada habeen barkii xeebta Liido la geeyo gabdho aysan waalidkood ka war heynin ama siyaabo kale uga soo dhuunta guriyihii ay ku noolaayeen, halkaa oo lagu sameeyo ayeey tiri arrimo ka baxan anshaxa.

“Dhibka ugu badan waxaa uu ku dhacaa gabdhaha yar yar ee qurbaha ka soo laabta oo inta la afduubto la geeyo guryaha aan sheegay ee ku yaala Muqdisho si looga ganacsado ayeey tiri Jawaari Baarqab.

''Sidoo kale habeen barkii marka la gaaro gaadiidka Bajaajka waxa ugu badan ee lagu qaado magaalada Muqdisho waa gabdho yaryar oo la geeyo xeebta Liido, kuwaa oo reerkooda ka soo dhuunta reerahoodii iyaga  isaga dhigaya in ay xaafaddo kale u socdaan, halkaana waxaa ka dhaca falal anshax darro ah''' ayeey tiri Jawaari. 

Waxey sheegtay uu soo gaaray islamarkaana hayaan war ku saabsan in ay jiraan gabdho London ka yimid oo ilaa iyo hadda la ogeyn halka ay ku danbeeyeen.

Waa markii ugu horeysay oo xubin ka tirsan dowladda Soomaaliya ka hadasho arrimahan oo kale iyo in magaalada Muqdisho ku yaalaan xarumo iyo guryo gabdhaha lagu afduubto, kaddib-na jirkooda loo isticmaalo hab ganacsi ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]