4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 29, 2018
Guriga madaxweyne Biixi uu ku jiro oo lagu daray guryaha dawladda ee la diwaangalinayo

 

Sabti, September,29,2018, (HOL)– Wasiirka Hawlaha guud iyo Dhullka Somaliland Cabdirashiid Ducaale Qambi oo ka hadlayey guryaha iyo dhulka danta guud ee la diiwangalinayo ayaa sheegay in guriga madaxweynaha Somaliland Muuse BIixi Cabdi lagu daray guryaha loo diiwaangalinayo hantidda qaranka.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in aan dib dambe dhul iyo guri dawladu leedahay cid gaar ah la siin doonin, isagoo xusay in dad badan ku doodayaan guryaha dawladda ee ay ku jiraan inay ka dhaxleen dawladdii Siyaad Bare ama ingiriiska, waxaanu tilmaamay in aan cidna laga yeeleen in hanti dawladeed qof iska qaato.

“ Guri aanu siidaynayno walaahi bayna jirin, guriga madaxweynaha Somaliland ku jiro waanu diwaangalinay (guryaha dawladda lagu daray), sidaas baana cidna u dhaafeen, waxaanu dhaafayna qofkii la soo baxa waraaq degreeto ah oo madaxweyne ku siiyey.”ayuu yidhi wasiir Qambi oo maanta hor tagay guddida joogtadda ee golaha guurtida oo uu uga xog waramayey shaqadda wasaaradda.

Inta badan guryaha dawlada waxa ku jira siyaasiyiin badan oo xilal kala duwan ka soo qabtay dawladda, waxaana jira guryo la kala iibsaday oo dawladu lahayd, waxaana arrintaasi diiwaangalinta guryaha dawladda ka soo horjeestay siyaasiyiin badan oo iyagu isku qoray guryo dawladeed oo ay ku jiraan.

Sidoo kale, waxa dood badan dhalisay guryaha la diiwaangainayo ma lagu dari doonaa guriga madaxweyne Muuse BIixi uu ku jiro oo ah guri dawladeed, haseyeeshee maanta ayuu cadeeyey wasiirka hawlaha guud in guriga madaxweynaha lagu daray guryaha la diwaangalinayo ee dawladda.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland