4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 29, 2018
Al-Shabaab oo la wareegay deegaano hoos taga degmada Balcad

 

Sabti, September, 29, 2018, (HOL)–Wararka ka imanaya degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in xoogag ka tirsan Al-shabaab la wareegeen deegaanno ka tirsan degmada.

Goobjoogayaal sheegay in xoogag ka tirsan Al-shabaab gudaha u soo galeen deegaanada Yaaqle, Mukey Dheere, iyo Dhagax oo hoos-taga degmada Balcad.

Al-Shabaab ayaa dadka deegaanka isugu keenay goob fagaare ah, waxaana ay uga digeen inay la shaqeeyaan ciidamada dowladda ama xogo ay siiyaan.

Al-shabaab ayaa la wareegay deegannnadan kaddib markii ay halkaa isaga baxeen maleeeshiyaad taageersanaa maamulka ka dhisan degmada Balcad.

Deegaanada Al-Shabaab la wareegeen ayaa la sheegay inay illaa 15KM u jirto degmada Balcad.

Dhaq-dhaqaaqyo ciidan ayaa ka jira degmada Balcad, ciidamada dowladda ayaa la sheegay inay difaacyo ka galeen duleedka degmadaas.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]