4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 29, 2018
Cabdikariim Qalbidhagax oo booqanaya deegaannada Puntland

Sabti, September, 29, 2018 (HOL) -Cabdikariim Sheekh Muuse Qalbidhagax oo toddobadkii u dambeeyay booqasho ku joogay magaalada Hargeysa oo u kulamo kula qaatay mas'uuliyiinta Soomaaliland ayaa booqanaya magaalada Boosaaso.

Socdaalka uu ku tagay Hargeysa  iyo booqashadiisa deegaannada Puntland ayaa qayb ka ah socdaal uu horey u sheegay inuu ku marayo Soomaaliya, waxaana hadda diyaar garow loogu soo dhaweynayo uu ka socda magaalada Boosaaso oo u ku suganyahay madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Gaas.

Qalbidhagax, ayaa sheegay in qorshaha aysan ugu jirin inuu booqdo magaalada Muqdisho,wuxuuse xaqiijiyay marka uu gabagabeeyo booqashada Puntland inuu u gudbi doono deegaannada Galmudug.

"Muqdisho waxaa jooga dad Soomaaliyeed oo aad iyo aad u fiican ,shacab qiimo badan aad u karamo badan ayaa jooga, waxaa kalo jooga oo aad iyo aad xurmo u leh qadiya-deydiina iyo qadiyada Soomaaliyeedna si fiican u difaacay labada gole ee Baarlamaanka, intuba way mudanyihiin inan soo salaamo, xilli ku habboon ayaan soo salaami doona" ayuu yiri Cabdikariim Qalbidhagax oo inta ku daray " Laakin ma doonayo inan hadda waxbadan ka sii sheego , ma doonayo inan soo arko qolyaha."

Cabdikariim , oo socdaalkiisa ku faahfaahiyay wareysi uu siiyay BBC-da, wuxuu sheegay inaysan jirin hadda wax shaqo ah oo u hayo dowladda Itoobiya,isagoo beeniyay Itoobiya inay siisey baasaboor Diblumaasi ah,wuxuuse caddeeyay inuusan marna wax iska badalin mowqifkiisii ahaa in la xaqiijiyay xornimada dhulka Soomaalida ee dalka Itoobiya.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]