4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 29, 2018
Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Soomaaliya oo Kulan la qaatay Madaxa Arrimaha Diinta dalka Turkiga

Sabti, September, 29, 2018 (HOL) -Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha diinta xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya,Sheekh Nuur Maxamed Xasan oo booqasho ku jooga dalka Turkiga ayaa kulan gaar ah la qaatay madaxa arrimaha diinta ee dalka Turkiga Dr.Cali Irbaash.

Dr. Cali Irbaash ayaa kulanka ka sheegay muhiimadda ay leedahay booqashada Wasiirka uu ku joogo dalka Turkiga isagoo sheegay inay muhiim tahay in la iska kaashado dhanka horumarinta barashada Diinta Islaamka.

Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha diinta Soomaaliya,Sheekh Nuur Maxamed Xasan ayaa dhankiisa soo dhaweeyay iskaashi ku dhisan danaha labada dal oo dhaxmara Soomaaliya iyo Turkiga.

"Waxaan aad iyo aad ugu mahadcelinaynaa isbarbar taagga iyo hiilka uu markasta noo hayo Turkiga, anaga oo ka faa’idaysan doono fursadaha iskaashi dhanka horumarinta Barashada Diinta & Horumarinta Xarumaha Barashada Diinta, waxaana mustaqbalka ballaarin doonaa xiriirka iskaashi." ayuu yiri Sh. Nuur Maxamed .

Wasiirka ayaa sidoo kale xusay inay muhiim tahay in Soomaaliya laga caawiyo horumarinta xarumaha barashada Diinta iyo Tababaridda Imaamyada, Khadiibyada, macalimiinta iyo Shaqaalaha Wasaaradda.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]