Yuusuf Dabageed :- $ 5000 oo dollar ayaa la ganaaxayaa ciddii garsoor u aadda Al-shabaab
Sabti, September, 29, 2018, (HOL) -Guddoomiyaha cusub
ee gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed oo maalintii shalay xilka kula
wareegay munaasabad lagu qabtay magaalada Beledweyne ayaa sheegay in
maamulkiisu go’aan ka adag ka qaadanayo sida uu hadalka u dhigay dadka
garsoorka u doonta Al-shabaab.
Wuxuu sheegay wixii hadda ka
danbeeya la aqbali doonin lagu xukun-tamo maxkamadaha Al-shabaab isaga oo uga
digay dadka ku dhaqan deegaannada ay maamusho dowladda ee gobolka Hiiraan in ay
garsoor iyo cadaallad u doontaan deegaannada ay ka arimiyaan Al-shabaab.
“Dadka Maxkamada u aada deegaanada Al-Shabaab saddax
bilood ayaa xirneynaa Shan kun oo dollar-na waa la ganaaxaya, iska aada Booco
iyo Luuq jeelow,reer hebel ayaad tihiin cid idin soo qabaneyso majirtee iska
aada Beledweyne ayaan ku kala baxeynaa” ayuu yiri Yuusuf Dabageed.
Dabageed ayaa sheegay in Al-shabaab xukun sharci
ah meeshan ku heynin, sidaa daraadeed looga digayo dadka ku dhaqan magaalada
Beledweyne in ay hareer-maraan garsoorka iyo maxkamadaha gobolka.
Inkastoo guddoomiyuhu sheegay in la ganaaxayo cid kasta oo cadaallad ka
raadisa Al-shabaab. Haddana ma’aha gobolka Hiiraan oo kaliya ee guud ahaan
marka la eego dadka ku dhaqan deegaannada ka arimiso dowladda ayaa intooda
badan marka ay arrimo isku qabtaan ku soo kala baxa maxkamadaha Al-shabaab oo
qofkii loo baahdo looga yeero, waana qeyb ka mid ah dhaliisha ugu badan ee loo
jeediyo garsoorka dowladda oo u muuqda mid aysan dadku kalsooni badan ku qabin.
Doodda ku saabsan in dadka cadaallada iyo garsoor
u doontaan maxkamadaha Al-shabaab ayaa qeyb weyn ka aheyd kulamadii ugu
danbeeyay ee xildhibaannada baarlamaanka ee looga hadlay amaanka dalka.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]