4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 29, 2018
Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya oo sagootiyay Danjirihii hore ee Sudan u fadhiyay Soomaaliya


Sabti, September, 29, 2018 (HOL) - Wasiirka wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya, Cabdullahi Goodax Barre ayaa kulan sagootin ah u sameeyay danjirihii dowladda Suudaan u fadhiyay Soomaaliya Maxamed Yuusuf Ibraahim.

Kulanka ayaa lagu lafa guray xoojinta xiriirka ka dhexeeya labada dal, iyo  iskaashiga dhanka waxbarashada, waxaana kulanka goob joog ka ahaa xog-hayaha joogtada ee wasaaradda waxbarashada. Axmed Yuusuf Xassan iyo xubno kale oo ka tirsan wasaaradda.

Wasiirka waxbarashada ,Cabdullahi Goodax Barre ayaa dowladda Suudaan uga mahad celiyay sida markasta ay u garab tagan yahay shacabka iyo dowladda Soomaaliya, gaar ahaan dhanka waxbarashada,wuxuu guul u rajeyay danjirihii hore ee Suudaan u fadhiyay Soomaaliya Maxamed Yuusuf Ibraahim, isagoo boggaadiyay hawshii uu dalka ka qabtay muddadii uu joogay.

Amb. Maxamed Yuusuf Ibraahim ayaa dowladda Soomaaliya ku ammaanay horumarka ay ku talaabsatay mudadii ay jirtay isagoo ballan qaaday in dowladda Suudaan ay kordhin doonto deeqaha waxbarasho ee ay siiso Soomaaliya.

Gabagabadii, Wasiirka waxbarashada Soomaaliya ayaa shahaado sharaf guddoonsiiyay danjirihii hore ee dowladda Suudaan u fadhiyay Soomaaliya Maxamed Yuusuf Ibraahim.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]