3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 29, 2018
50 qof oo ku dhintay duufaan ku dhufatay dalka Indonesia

Sabti, September, 29, 2018 (HOL) - Ugu yaraan 50 qof ayaa ku dhintay duufaan ka dhalatay dhulgariir cabbirkiisu gaarayay 7.5 oo ku dhuftay magaala xeebeedka Pelu ee dalka Indonesia.

Duufaanta Tsunami ee Pelu ku dhufatay oo horay digniin looga sii bixiyey, waxay ku dhacday saacada kaddib marki digniinta la shaaciyey.

Hirka badda oo ka dhashay dhulgariirka iyo duufaanta culus wada socday ayaa wuxuu ku socday joog dhan 2 miitir wuxuu ku dhuftay magaalada Palu oo ku taallo Jasiiradda Sulawesi.

"Duufaanta iyo Dhulgariirka mar ku wada dhuftay Pelu waxay shacabka magaaladu ku abuurtay degganaasho la'aan iyada oo dad tira badan oo waddooyinka yaacaya la arkayo".ayuu yiri madaxa saadaasha hawada ee Indonesia,Dwikorita Karnawati.

Muuqaal lugu baahiyay baraha bulshada oo laga soo duubay masiibadaasi ayaa waxaa ka muuqata dadka goobta duufaanta ku dhufatay ku noolaa oo kala cararaya iyo biya xoog badan oo guriyaha soo galaya.

Dalka Indonesia ee koonfur-bari Aasiya ayaa wuxuu yahay dal u nugul duufaanta iyo dhulgariirka dhaca maaddaamaa dalka oo dhan uu jasiiraddo tira badan oo bad ku hareereysan uu ka kooban yahay.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]

















Click here
9/29/2018 3:49 PM EST
Sabti, September, 29, 2018 (HOL) -Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) iyo Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka ayaa ka wada hadlay ballaarinta Sohdimaha ay Caasimaddu leedahay.

9/29/2018 3:16 PM EST
Sabti, September,29,2018, (HOL)– Guddoomiyaha Ururka haweeenka gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab ayaa markii ugu horeysay ka hadashay arrimo xasaasi ah oo ku saabsan afduub lagula kaco gabdho yar yar gaar ahaan kuwa qurbaha ka soo laabto in ay jiraan guryo magaalada Muqdisho ku yaala oo gabadhaas la geeyo si jirkooda looga ganacsado.

9/29/2018 2:51 PM EST
Sabti, September,29,2018, (HOL)– Waxaa magaalada Baydhabo ka furmey shir socon doono labo maalmood kaas oo looga hadlaayo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo wada shaqeyn dhex marta guddiyada nabada, taliyaasha booliska iyo maamulada degmooinka Baydhabo, Ceel Barde , Berdaale, Waajid iyo Xudur.

9/29/2018 10:31 AM EST
Sabti, September,29,2018, (HOL)– Wasiirka Hawlaha guud iyo Dhullka Somaliland Cabdirashiid Ducaale Qambi oo ka hadlayey guryaha iyo dhulka danta guud ee la diiwangalinayo ayaa sheegay in guriga madaxweynaha Somaliland Muuse BIixi Cabdi lagu daray guryaha loo diiwaangalinayo hantidda qaranka.

9/29/2018 9:01 AM EST
Sabti, September,29,2018,(HOL)–Maayarkii degmadda Boorama Maxamed Xusseen Maydhanne ayaa maanta is casilay, isla markaana waxaa la doortay maayar cusub.

9/29/2018 8:11 AM EST
Sabti, September,29,2018, (HOL)–Wararka ka imanaya degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in xoogag ka tirsan Al-shabaab la wareegeen deegaanno ka tirsan degmada.

9/29/2018 4:16 AM EST
Sabti, September, 29, 2018 (HOL) -Cabdikariim Sheekh Muuse Qalbidhagax oo toddobadkii u dambeeyay booqasho ku joogay magaalada Hargeysa oo u kulamo kula qaatay mas'uuliyiinta Soomaaliland ayaa booqanaya magaalada Boosaaso.

9/29/2018 3:44 AM EST
Sabti, September, 29, 2018 (HOL) -Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha diinta xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya,Sheekh Nuur Maxamed Xasan oo booqasho ku jooga dalka Turkiga ayaa kulan gaar ah la qaatay madaxa arrimaha diinta ee dalka Turkiga Dr.Cali Irbaash.

9/29/2018 3:32 AM EST
Sabti, September, 29, 2018 (HOL) -Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta guda-gashay dhagaysiga dacwad la xiriirta musuqmaasuq.

9/29/2018 2:57 AM EST
Sabti, September, 29, 2018 (HOL) - Toddobadkan waxaa aad loo hadal-hayay arooska Ruqiyo Cabdullaahi iyo wiilka ay is-caashaqeen ee Maxamed Cabdiraxmaan Mukhtaar oo ka soo jeeda beelaha la haybsooco.

9/29/2018 2:49 AM EST
Sabti, September, 29, 2018, (HOL) -Guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed oo maalintii shalay xilka kula wareegay munaasabad lagu qabtay magaalada Beledweyne ayaa sheegay in maamulkiisu go’aan ka adag ka qaadanayo sida uu hadalka u dhigay dadka garsoorka u doonta Al-shabaab.

9/29/2018 2:19 AM EST
Sabti, September, 29, 2018 (HOL) - Wasiirka wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya, Cabdullahi Goodax Barre ayaa kulan sagootin ah u sameeyay danjirihii dowladda Suudaan u fadhiyay Soomaaliya Maxamed Yuusuf Ibraahim.

9/29/2018 1:38 AM EST
Sabti, September, 29, 2018 (HOL) - Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta yeelanaya kulan ajandihiisu yahay sii wadista doodda ku saabsan dib u eegista xeer hoosaadka Golaha Shacabka.

9/29/2018 1:12 AM EST
Sabti, September, 29, 2018 (HOL)-Shirkadda Facebook ayaa sheegtay in " 50 milyan" oo qof oo adeegsada shabakadeeda xogtooda u dayacantay cillado farsamo oo xageedka ka timid awgood.