Sabti,, September, 29, 2018 (HOL) - Shirkadda Facebook ayaa
sheegtay in "ku dhawaad 50 milyan" oo qof oo adeegsada shabakadeeda
xogtooda u dayacantay cillado farsamo oo xageedka ka timid awgood.
Shirkaddu waxay sheegtay in dadka xogtaa jabsaday ay ka faa'iidaysteen
nugaylka qodobka ilaalada ee la yidhaa "View As" taas oo u sahashay
in ay fakaag u helaan xogta dadka.
Dhacdadan waxa la ogaaday Salaasadii, booliskana waa lagu wargeliyey ayey
tidhi Facebook.
Dadka adeegsada shabakaddan ee ay suurto galka tahay in ay arintani
saamaysay ayaa isla markiiba Jimcihii lagu wargeliyey in ay xidhaan bogagooga
oo hadana dib u furaan.
Cilladii farsamo ee nugaylkaa keentay haatan waa la furdaamiyey, ayuu ku
yidhi qoraal madaxa waaxda ilaalada xogta ee shirkaddu, waxaanu intaa ku daray
in bogagga dadka arintaasi saamaysay dhamaantood la adkeeyey ilaalintooda iyo
sida oo kale in la qaaday "talaabooyin ka hor tag ah" oo lagu
daryeelay 40 milyan oo bog oo kale.
Facebook, oo sicirka saamiyadeedu hoos u dhaceen in ka badan 3% maalintii
Jimcihii, ayaa waxa si joogto ah u adeegsada shabakadeeda laba bilyan oo qof
bishii ba.
Hase yeeshee shirkaddu may sheegin dalalka ay ku kala suganyihiin 50 milyan
ee qof ee bogagooda la jabsaday, laakiin waxay wakaaladda ilaalad xogta
internet-ka ee dalka Ireland, oo xarun u ah qabteeda Yurub, ku wargelisay
dhacdadan.
Dadka bogagga ay ku leeyihiin Facebook laga yaabo in arintani saamaysay ayaa
marka ay damcaan in ay furtaan waxa u soo baxaysay fariin u sheegaysa in ay
xidhaan boggooda oo dib u furtaan, hase yeeshee shirkaddu waxay sheegtay in
dadkaa midkoodna aanay qasab ku noqon in ay bedelaan erayada sirta ah ee ay ku
galaan bogaggooda.
Xigashada/BBC
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]