4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 28, 2018
Marekanka oo sheegtay inuu duqeyn ku dilay dagaalyahanno Al-Shabaab ka tirsan

Jimco, September, 28, 2018 (HOL) -Howlgalka ciidanka Marekanka Afrika ayaa sheegay inay duqeyn ku dileen ugu yaraan saddex dagaalyahan oo ka tirsan kooxda al-Shabaab,kuwaasi oo bartilmaameedkoodi ahaa.

War-saxaafadeed kooban oo ay baahiyeen ciidamadda Mareykanka ee Afrika jooga ee Africom ayaa lugu sheegay in howlgal qorsheysan,iyagoo kaashanaya milateriga Soomaaliya in laga fuliyay deegaan 40 km uga beegan dhanka koonfureed caasimadda Muqdisho.

Taliska ciidamadda Mareykan ee Africom ma soo bandhigin maclumaad inta ka badan sida magacyada dagaalyahannada duqeynta lugu beegsaday, balse war-saxaafadeedkooda waxaa ay ku xaqiijiyeen in ay sii wadi doonaan howlgaladda ka dhanka ah al-Shabaab ,ilaa inta laga gaaro si buuxda inay ciidamadda dowladda u maamullan deegaannada ay ku suganyihiin al-Shabaab.

Ciidanka Marekanka ayaa gacan ka siiya dowladda Soomaaliya weerarrada dhinaca cirka oo lugu beegsado dagaalyahannada ka soo horjeeda, mase jiro kooxda al-Shabaab war ka soo baxay oo looga hadlay weerarka ay sheegteen ciidanka Marekanka.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]