4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 28, 2018
Addis Ababa: Maxkamad la soo taagay dad loo heysto isku dayga dilka Abiy Axmed

Jimco, September, 28, 2018 (HOL) -Shan qof oo loo heysto iney isku dayeen dilka Ra'iisul wasaaraha dalka Itoobiya,Abiy Axmed ayaa maanta la soo taagay maxkamad, kaddib markii bishii Juun ay bam gacmeed ku tureen fagaare uu ku sugnaa.

Weerarkaas oo ka dhacay fagaaraha Meskel Square ee magaalada Addis Ababa, xilli ay tobannaan kun oo qof oo taageera u ah Abiy Axmed ay ku sugnaayeen fagaaraha si khudbaddiisa ay u dhageystaan ayaa lagu dilay labo ruux, halka in ka badan 100 kalena ay ku dhaawacmeen, balse waxyeello kama aysan soo gaarin Abiy Axmed.

Shanta ruux ee la tuhunsanyahay oo lugu kala magacaaba Getu Girma, Birhanu Jafar, Tilahun Getachew, Bahiru Tollosa iyo Desalegn Teafaye  ayaa wajahaya dacwado culus, waxaana dacwad oogeyaasha ay sheegeen in dadkan la tuhunsanyahay aysan aaminsaneyn in  Abiy uu badbaadin karo danaha qoomiyadda ugu tirada badan dalkaas ee Oromada.

Ra'iisul wasaaraha Itoobiya, wuxuu weerarka ku tilmaamay markii uu dhacay isku day guul darreystay oo ay sameeyeen xoogag aan dooneyn iney Itoobiya midowdo.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]