4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 28, 2018
Hay'adaha amniga Waqooyiga gobalka Galgaduud oo la mideeyay


Jimco, September, 28, 2018 (HOL) -Hay'adaha ammaanka waqooyiga gobalka Galgaduud ayaa loo sameeyay hal talis oo leh taliye iyo taliye ku-xigeen,waxaana lugu mideeyay ciidanka xasilinta, kaddib munaasabad lugu qabtay saldhigga degmada Caabudwaaq.

Hay'adaha la mideeyay ayaa kala ah Booliska, Nabad-sugidda iyo Militariga ,waxaana goobjoog u ahaa munaasabadda taliyaha Ciidamadda Qeybta 21aad, Guddiga Xasilinta, Odoyaasha dhaqanka iyo maamulka degmada.

Guddoomiyaha degmadda Caabudwaaq,Mahad Cumar Cilmi oo isku darka ciidamadda ka hadlay ayaa ku booriyay inay si wada jir ah uga qeyb qaataan xasilinta amniga.

Axmed Caafi iyo Saacid Ashkir Dhudub oo kamid ah Guddiga xasilinta degmadda Caabudwaaq ayaa sheegay in mideynta Ciidamadda Amniga degmada looga goleeyahay in lagu xoojiyo Amniga degmada Caabudwaaq.

Xildhibaan Bile Salaad Diini oo kamid ah Xildhibaannada Galmudug, Taliyaha Saldhigga degmadda Caabudwaaq Maxamuud Maxamed Cadde iyo Ugaas Axmed Barre Taakooy ayaa sheegay in mideynta ciidamadaan ay xoojin doonto nabad galyadda degmada, waxaana ay ciidamada kula dar daarmeen in ay iyaguna ilaaliyaan Sharciga.

Gabagabadii,Taliyaha Ciidamadda Qeybta 21aad Cabdullaahi Aadan Xuseen (Cirro) oo dar daaran dheer ujeediyay ciidamadaan ayaa sheegay in Taliyaha Ciidamadda Xasilinta loo magacaabay Dhame Maxamed Yuusuf Axmed Barre, kana tirsan Ciidamada militariga, Halka kuxigeenkiisana loo magacaabay  Axmed Macallin Cabdullaahi oo ka tirsan Ciidanka Nabad Sugidda.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]