4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 28, 2018
Booliska Netherlands oo xiray dad weerar argagixiso oo wayn qaadi lahaa

Jimco, September, 28, 2018 (HOL) -Toddobo nin ayaa lagu xiray Nederland iyadoo lagu tuhunsan yahay in ay qorsheynayeen weerarro argagixiso ,booliska ayaana sheegay in la fashiliyay kaddib baaritaan muddo bilo ah socday.

Raggan oo da’doodu u dhaxayso 21 ilaa 34 ayaa booliska ay gacanta ku dhigeen Khamiistii,waxaana ay isku dayayeen in ay weerarkooda u adeegsadaan AK47, bambooyinka gacanta laga tuuro iyo waxyaabaha bambooyinka laga sameeyo.

Saddex ka mid ah ragga hadda la qabtay ayaa horay loogu xiray in ay isku dayayeen in ay u safraan dalka dibaddiisa si ay ugu soo dagaallamaan maleeshiyaad ajaaniib ah.

Dacwad oogeyaasha ayaa sheegay in ninka xuddunta u ah arrintan oo 34 jir ah uu asal ahaan ka soo jeeedo Ciraaq, sannadkii 2017kii ayaana lagu helay in uu isku dayayay in uu u safro dibadda si uu ugu soo dagaalo kooxda isku magacawda dawladda Islaamka.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]