4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 28, 2018
Sacuudiga oo wali raalligelin ka sugaya Canada

Jimco, September, 28, 2018 (HOL) -Wasiirka arrimaha dibadda Sacuudi Carabiya,Adel bin Ahmed Al-Jubeir ayaa sheegay dalkiisa inuu wali raalligelin ka sugayo dalka Canada,markii labada dal ay xiisad ka dhex aloosantay horaantii sanadkan.

Labada dal waxay isku khilaafeen markii ay Canada sheegtay "in ay aad uga walaacsan tahay" xiritaanka loo gaystay dad xuquuqda aadanaha u dooda.

Dadka la xiray waxaa ka mid ah Samar Badawi oo u dhaqdhaqaaqda xuquuqda dumarka oo Sacuudiga u dhalatay haysatana dhalashada Maraykanka.Samar ayaa ku baaqaysay in la so af jaro habka Sacuudiga looga dhaqmo ee muxramka.

"Si loo xalliyo khilaafka diblomaasiyadeed waa in Canada ay raalligelin ka bixisa dhammaan hadalladii ka dhanka ah Sacuudiga." ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Sacuudi Carabiya,Adel bin Ahmed Al-Jubeir .

Wasiirka arrimaha dibadda Canada,Chrystia Freeland ayaa dhankeeda sheegtay in ay rajeyneyso in ay la kulanto dhiggeeda Sacuudi Carabiya Adel al-Jubeir toddobaadkan gudihiisa si wada-hadal looga galo dib usoo celinta xiriirka labada dal.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]