4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 28, 2018
Magaalo ay 17 sano Soomaalida Minnesota daganayeen oo markii ugu horeysay masaajid yeelatay. SAWIRO & VIDEO




Jimco, September,28, 2018 (HOL)-Dadka Soomaaliyeed ee u soo haajiray Maraykanka qaasatan gobola Minnesota magaalooyinka ay dageen waxaa ka mida magaalo lagu magacaabo East Grand Forks Minnesota oo dacalka ku haysa gobola Norh Dakota iyadoo 317 Mile u jrta Minneapolis xaga waqooyi, 17kii sano ee ugu danbeeyey ayeeyna dadka Soomaaliyeed aad ugu soo badanayeen magaladaan waxaa dadku ku xushaan school ama jaamacad wayn waxay lee dahay shaqooyin badan iyo waliba guryo ku filan qoysaska , waana taas mida ay dadka ugu soo badanayeen, Waxaa nool ilaa 180 qoys ma laheen todabaadkaan ka hor masaajid ,waxayna ku soo tukan jireen masajid kuyaal gobolka ku dhagan ee North Dakota una jiray abaarahii 20 daqiiqo oo baabuur ah, ma lahayn dugsi quraan taas oo ahayd baahida ugu badan ee dadku uga guuri jireen magaaladaan.


East Grand Forks Islamic Center ayaa laga hirgaliyey magaaladdan waxaana aasaaskeeda lahaa xaruntaan dhalinyaro Soomaaliyeed ee dagan magaaladaas una badan arday waxayna ka soo shaqeenayeen ilaa horaantii sanadkii hore, hadase waxay heleen dhul aad wayn oo ay ku iibsdeen shan boqol iyo labaatan kun oo dollar waxay hore ahayd maalmo ka hor baar khamri & goob lagu qamaaro hadase waa masaajidka East Grand Forks,


Xafladd lagu daahfuraayey xaruntaan ayaa lagu qabtay gudaha dhismaha cusub ee qaadatay Magaca East Grand Forks Islamic Center lagana hirgalin doono Goob lagu takado 5ta salaadood tan Jimcaha, Fasalo lagu barto quraanka Kariimka ah, xafiisyo, waxayna xaruntu lee dahay in ka badan 200 oo meelaha baabuurta la dhigto ah, dhul wayn oo mustaqbalka laga dhisi karo waxii loo baahdo.


Daahfurka Barnaamijkaan ayaa waxaa kala soo qaybgalay dadwaynaha magaaladaas qaar ka mida culumodiinka Minneapolis sida Sh Axmed Taajir & Sh Tawakal Ismail waxayna aad u bogaadiyeen hawsha baaxada leh ee u istaageen dhalinyarada East Grand Froks waxayna xarunta ilaah uga baryeen in ay noqoto mid loo aayo kana faaiidaystaan muslimiinta oo idil iyadoo aad ugu dhow xaafadaha ay soomaalidu dagan yihiin iyo jaamacadda magaalada .



Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Easy Grand Froks MN ayaa codsnaya in lagala qaybqaato dhisida iyo iibinta xaruntaan waxayna baaq u dirayaan dhamaan jaaliyadddaha dagan waqooyiga America codsanayaana la lala dardargaliyo hawshaan wayn oo ay u istageen dhalinyardoodu.


Siyad Said Salah

[email protected]

Minneapolis,MN