4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 28, 2018
Turkiga oo xarun lagu xannaaneeyo agoonta ka hergalinaya magaalada Muqdisho

 

Jimco, September, 28, 2018 (HOL) - Hay’adda Istanbul-based Humanitarian Relief Foundation (IHH) oo uu fadhigeedu yahay magaalada Istambuul ee dalka Turkiga ayaa soo gaba-gabeysay dhismaha xarun lagu xannaaneeyo agoonta oo laga hir-geliyay magaalada Muqdisho.

Xaruntan oo Hoy u noqon doonta 120 carruur ah ayaa waxaa ka faa’iideysan doonta qaar ka mid ah carruurtii ku agoontowday dagaal ay dowladda Turkiga la gashay Jabhadda PKK Sanaddii 2017-kii, sida uu wakaaladda wararka ee Anadolu u sheegay madaxa hay’adda IHH, Zuhtu Kalma.

Hay’adda dhallaanka adduunka ee UNICEF ayaa ku qiyaastay carruurta agoonta ah ee dunida daafaheeda ku nool in ay gaarayaan 400 Milyan, kuwaas oo u baahan in la caawiyo.

Wakaaladda wararka ee Anadolu oo warkan lagu daabacay, ayaanan lagu caddeeyn tirada Caruurta Soomaaliyeed ee ka faa’iideysan doonta xaruntan oo si casri ah loo dhisay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]