3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 28, 2018
Puntland: Howlgallo ka socda Garoowe iyo Boosaaso

Jimco, September, 28, 2018 (HOL) - Ciidamadda amniga Puntland ayaa howlgallo ka wada inta badan magaalooyinka waa weyn ee maamulka,sida laga soo xigtay saraakiisha.

Howlgallada ugu ballaaran ayaa saddexdii habeen ee u dambeysay ay ciidamadda ka fulinayeen magaalada ganacsiga ah ee Boosaaso,halka oo toddobadyadii u dambeyay ay ka dhacayeen dilal.

Illaa saddex ruux ayaa siyaabo kala duwan ugu dhintey magaalada Boosaaso , khamiistii shalay, xabsiga weyn ee Boosaaso waxaa galinkii dambe ee shalay ku geeryooday hal ruux oo la sheegay inuu maxaabiista ka mid ahaa , labo askarina waa ay ku dhaawacmeen, kaddib israsaasayn dhexmartay ciidamada asluubta ee xabsiga Boosaaso oo gadooday iyo ciidamo dowladda ay u dirtay, oo dagaal kooban kabacdi xabsigii kala wareegay ciidankii Asluubta ee gadooday.

Labo ruux oo dhallinyaro ah ayaa iyagana toogasho lugu dilay ,xilli ay ku sugnaayeen xeebta magaalada Boosaaso, dilka waxaa saraakiishu sheegeen inay fuliyeen kooxo bistoolado ku hubeysan oo markiiba baxsadey,mana jirto warbixin ka soo baxday laamaha amniga oo looga hadlay dilka.

Guddiga amniga gobolka Bari oo warbixintii ugu horreeysay la wadaagay warbaahinta ayaa dhankooda sheegay in gacanta lugu hayo dad ku dhow 20 qof oo lala xiriirinayo dilalkii u dambeeyay ee ka dhacay magaalada dekedda leh ee Boosaaso,waxaana ay xaqiijiyeen dhawaan maxkamad in la horgeyn doono.

Dhinaca kale, waxaa howlgallo amniga la xiriira ay ka socdaan magaalada xarunta ah ee Garoowe, waxaana howlgallada fulinaya ciidammo gaar ah oo loo diyaariyay xasilinta caasimadda Puntland, kaddib falal amni darro oo ku soo batey Garoowe. Saraakiisha ayaa uga digey dhallinyaro dhibaatooyin u geysta bulshada in tallaabo laga qaadi doono,iyadoo la soo xirey dhallinyaro badan oo ku eedeysan falal amni darro.

Howlgallada amni ayaa ka sii socon doona magaalooyinka waa weyn ee Puntland, waxaa xusid mudan in howlgallo kooban ay ciidamadda amniga ka fuliyeen magaalada Gaalkacyo ee bartamaha ku taalla, saraakiil la hadlay Hiiraan Online ayaa sheegay guud ahaan nabadgalyadda inay wanagsantahay, balse ay ciidamadu sii wadi doonan howlgallada.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
9/28/2018 3:00 PM EST
Jimco, September, 28, 2018 (HOL) -Kulan doceed khamiistii shalay ka dhacay magaalada New York oo uu ka socdo shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa looga hadlay xaaladda Soomaaliya.

9/28/2018 2:33 PM EST
Jimco, September, 28, 2018 (HOL) -Howlgalka ciidanka Marekanka Afrika ayaa sheegay inay duqeyn ku dileen ugu yaraan saddex dagaalyahan oo ka tirsan kooxda al-Shabaab,kuwaasi oo bartilmaameedkoodi ahaa.

9/28/2018 2:18 PM EST
Jimco, September, 28, 2018 (HOL) -Shan qof oo loo heysto iney isku dayeen dilka Ra'iisul wasaaraha dalka Itoobiya,Abiy Axmed ayaa maanta la soo taagay maxkamad, kaddib markii bishii Juun ay bam gacmeed ku tureen fagaare uu ku sugnaa.

9/28/2018 1:45 PM EST
Jimco, September, 28, 2018 (HOL) -Safiirka dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya,Carlo Campanile ayaa sheegay dowladiisa inay ka go'antahay xoojinta taageerrada iyo dib u dhiska Booliska Soomaaliya,kaddib markii uu xafiiskiisa ku booqday taliyaha booliska Soomaaliya.

9/28/2018 1:18 PM EST
Jimco, September, 28, 2018 (HOL) -Hay'adaha ammaanka waqooyiga gobalka Galgaduud ayaa loo sameeyay hal talis oo leh taliye iyo taliye ku-xigeen,kaddib munaasabad lugu qabtay saldhigga degmada Caabudwaaq.

9/28/2018 12:47 PM EST
Jimco, September, 28, 2018 (HOL) -Toddobo nin ayaa lagu xiray Nederland iyadoo lagu tuhunsan yahay in ay qorsheynayeen weerarro argagixiso ,booliska ayaana sheegay in la fashiliyay kaddib baaritaan muddo bilo ah socday.

9/28/2018 11:52 AM EST
Jimco, September, 28, 2018 (HOL) -Xaalad dagaanasho ah ayaa dib ugu soo laabatay xabsiga dhexe ee magaalada Boosaaso, kaddib markii shalay ay ku dagaallameen halkaasi ciidamo gadoodsan oo ka tirsan kuwa asluubta ee xabsiga gacanta ku hayay iyo ciidamo uu maamulka u diray xabsiga.

9/28/2018 11:27 AM EST
Jimco, September, 28, 2018 (HOL) -Wasiirka arrimaha dibadda Sacuudi Carabiya,Adel bin Ahmed Al-Jubeir ayaa sheegay dalkiisa inuu wali raalligelin ka sugayo dalka Canada,markii labada dal ay xiisad ka dhex aloosantay horaantii sanadkan.

9/28/2018 11:11 AM EST
Dadka Soomaaliyeed ee u soo haajiray Maraykanka qaasatan gobola Minnesota magaalooyinka ay dageen waxaa ka mida magaalo lagu magacaabo East Grand Forks Minnesota oo dacalka ku haysa gobola Norh Dakota

9/28/2018 8:59 AM EST
Jimco, September, 28, 2018 (HOL) - Madaxweynihii hore ee Dawlad Deegaanka Soomaalida, Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa waxa uu ra'iisul Wasaaraha Itoobiya ka codsaday inuu cafiyo isaga iyo dadka la eedaysan.

9/28/2018 7:45 AM EST
Jimco, September, 28, 2018 (HOL) - Hay’adda Istanbul-based Humanitarian Relief Foundation (IHH) oo uu fadhigeedu yahay magaalada Istambuul ee dalka Turkiga ayaa soo gaba-gabeysay dhismaha xarun lagu xannaaneeyo agoonta oo laga hir-geliyay magaalada Muqdisho.

9/28/2018 5:05 AM EST
Jimco, September, 28, 2018 (HOL)– Ciidamada Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa howl gal qorsheysan oo xalay ka dhacay magaalada Muqdisho waxaa ay ku soo qabteen xubin ka tirsan Al-Shabaab.

9/28/2018 4:42 AM EST
Jimco, September, 28, 2018 (HOL)–Sheekh Xassan Daahir Aweys oo horay u soo noqday hoggaamiyihii ururka Xisbul Islaam, laakiin markii danbe ku biiray Ururka Al-shabaab, islamarkaan dhowrkii sano ee ugu danbeeyay ku jira gacanta dowladda Soomaaliya, ayaa fariin uu soo diray uga hadlay kiiska dilkii Axmed Muktaar Saalax.

9/28/2018 3:42 AM EST
Jimco, September, 28, 2018 (HOL) - Canada ayaa jinsiyada kala noqotay hoggaamiyaha dalka Myanmar Aung San Suu Kyi, kaddib markii Xildhibaannada labada aqal ee dalkaas ay isku raaceen in ay muwaadinimo sharafeedka kala laabtaan haweeneyda.

9/28/2018 3:22 AM EST
Jimco, September, 28, 2018 (HOL) - Ciidanka xoogga Soomaaliya ayaa sheegay howlgal ay ka fuliyeen gobolka Shabeellaha hoose in lugu dilay 12 dagaallame oo u ku jiro sarkaal ajanabi ah oo ka soo jeeda dalka Afghanistan,sida ay baahisay warbaahinta afka dowladda ku hadasha.

9/28/2018 2:12 AM EST
Jimco, September, 28, 2018 (HOL)-Dood cilmiyeed looga hadlay faa'iidooyinka iyo dhibaatada Geedka ay Soomaalida qaarkood u taqaano (Cali Garoobka) ayaa lagu qabtay Xarunta Jaamacadda Benaadir ee Magaalada Muqdisho.

9/28/2018 2:02 AM EST
Jimco, September, 28, 2018 (HOL)-Diyaarad xamuul ayaa ku dhacday badda dalka Micronesia, sida ay sheegeen masuuliyiinta garoonka diyaaradaha ee Chuuk International Airport.