Dood Cilmiyeed laga yeeshay dhibaatada Geedka Soomaalidu u taqaan Garan-Waaga ama Cali Garoobka
Jimco, September, 28, 2018 (HOL) - Dood cilmiyeed looga hadlay faa'iidooyinka iyo
dhibaatada Geedka ay Soomaalida qaarkood u taqaano (Cali Garoobka) ayaa lagu
qabtay Xarunta Jaamacadda Benaadir ee Magaalada Muqdisho.
Kuliyadda Beeraha ee Jaamacadda Benaadir ayaa soo
qaban-qaabisay dood cilmiyeedkan oo ahaa mid aad u xiise badan, waxaana ka qeyb
qaatay aqoonyahano wax ka dhiga Jaamacadaha dalka qaarkood iyo khubaro ku
taqasusay arrimaha beeraha iyo deegaanka oo ka howlgala heyaddo maxali ah iyo
kuwo caalami ah oo muddo dheer ka soo shaqeynayey mashaariicdii dhinaca beeraha
ee dalka laga fuliyey.
Waxaa dood cilmiyeedkan si weyn loogu faaqiday,
taariikhda geedkan, xiliga la soo geliyey Somalia, faa’iidooyinkiisa hababka
ugu haboon ee looga faaiideysan karo iyo sida looga gaashaaman karo
dhibaatooyinka uu wato.
Qaar ka mid ah khubaradii ka qeyb qaatay Dood
cilmiyeedkan ayaa sheegay in geedka Cali garoobka magaciisa rasmiga ah uu yahay
(Prosopis Juliflora) halkii ugu horeysay ee caalamka lagu arkayna ay ahayd
Koonfurta qaarada Amerika boqolaal sano ka hor, waxayna intaa ku dareen geedkan
uu yahay mid adkeysi badan oo ku baxa cimilo walba inkastoo uu aad ugu fiican
yahay dhulka kuleylaha ah.
Daraasad la sameeyey ayaa lagu ogaaday sida khubaradu
sheegeen in geedkan xididiisa ay dhulka hoos u galaan 30-35 mitir si uu u helo
biyo iyo macaadin ku filan taasoo sababtay inuu adkeysi u yeesho abaaraha iyo
roob la’aanta.
Khubarada ayaa intaa ku daray in Geedkan uu ku fiday
meelo badan oo caalamka ka tirsan haba ugu badnaatee dalalka India iyo
Australia, markii ugu horeysayna sanadkii 1950-kii uu Somalia keenay nin
ingiriis ah oo la oran jiray Dawsan kaasoo ku beeray degaanka Buloxaar oo
Magaalada Berbera ku dhow, iyadoo sanadkii 1980kii ay Koonfurta Somalia keentay
heyadda FAO, si ay uga faaiideystaan Qaxootigii ka dhashay dagaalkii 77, iyadoo
sidoo kalena loo adeegsaday bacaad-celintii dowladii Kacaanku ka sameysay
degaano ka tirsan gobolka Sh/hoose.
“Geedkan faaiidooyin badan oo aan la soo koobi karin ayuu
leeyahay, dhakhso ayuu u baxaa, mar walba waa cagaar, xoolaha mirihiisa cuna
wey ka caano iyo hilib badan yihiin kuwo kale, xitaa isagoo qoyan dhuxul ayaa
laga dhigan karaa, tiirar wax lagu dhisto ayaa laga sameeyaa, waxaa loo
adeegsadaa, bacaad celinta iyo difaaca degaanka wuxuuna ka hor tagaa Nabaad
guurka” ayuu yiri Prof. Max’ed Cali Shiikh Cabdi oo ah Hormuudka Kuliyadda
beeraha ee Jaamacada Benaadir oo ka mid ahaa khubaradii dooda ka qeyb qaadatay.
Waxaa sidoo kale la sheegay magacyo kala duwan oo
degaanada Soomaalida looga yaqaano geedkan sida Cali garoob, Geed Yuhuud,
Garan-waa, keligii noole iyo kuwo kale, waxayna khubaradu waxba kama jiraan ku
tilmaameen feker qaldan oo keenay in Soomaalida qaarkood ay geedkan ula baxaan
(Geed Yuhuud), iyagoo xusay in geedkan uusan aheyn kii uu Nabigu NNKH sheegay
inuu qarinayo Yuhuuda marka ay la dagaalamaan Muslimiinta xiliga Aakhiru
zamanka ama dhamaadka dunida.
Gebagebadii waxaa la soo jeediyey qodobo iyo talooyin ku
saabsan sidii dhibaatoyinka uu geysto loo yareyn lahaa, dhinaca kalena sare
loogu qaadi lahaa ka faa’iideysigiisa iyadoo la dhowrayo degaanka.
Guddoomiyaha Jaamacadda Benaadir Prof/Dr. C/risaaq Axmed
Dalmar oo ka hadlay munaasabada ayaa bogaadiyey ka qeyb galayaasha dood
cilmiyeedkan oo uu sheegay iney si saraxaad leh oo aan horey loo arag uga
hadleen geedka Cali garoobka.
“Inkastoo geedkan uu dhibaatooyin geysto haddana
faa’iidooyinkiisa ayaa ka badan sida ay inoo sheegeen khubaradii ka qeyb
qaadatay dood cilmiyeedkan, sida aan ognahay Soomaalidu geedkan waxay ka
aaminsan yihiin feker qaldan oo ah in dhibaato mooyee uusan faaiido laheyn,
taasna waxaa sabab u ah aqoon darida ka heysata, si ay uga faaiideystaana wacyi
gelin badan ayaa loo baahan yahay” ayuu yiri Dr Dalmar oo u mahad celiyey ka
qeyb galayaashii doodan iyo kulliyadda Beeraha oo soo qaban-qaabisay.
Senator Prof. Cismaan Max’uud Dufle oo ka mid ah xubnaha
aqalka sare ee Baarlamanka Somalia oo isna munaasabadan ka hadlay ayaa sheegay
inuu aad ugu riyaaqay sida cilmiyeysan ee khubaradu sharaxaada uga bixiyeen
geedka Cali garoobka iyo waxtarkiisa isagoo soo jeediyey in nuxurka dood
cilmiyeedkan laga sameeyo buug, lana gaarsiiyo bulshada si ay uga
faaiideystaan.
Gebagabadii kulankaas waxaa ka hadlay agaasimaha guud ee
Wasaarada beeraha Xukuumada federaalka Somalia Prof.
Max’uud Maxamed Max’uud oo khubarada ka qeyb qaadatay
dood cilmiyeedkan ku amaanay sida hufan ee ay uga hadleen geedka Cali garoobka,
isagoo dhinaca kale sheegay in Wasaaradiisu ay dejineyso qorsheyaal la xiriira
sidii looga faa’iideysan lahaa geedkan iyo kuwa la mid ah.
Khubarada iyo aqoonyanada ka qeyb hadlay doodan ayaa
waxaa ka mid ahaa Prof. Max’ed Cali Shiikh Cabdi oo ah hormuudka Kuliyadda
beeraha ee Jaamacada Benaadir, Dr. Ismaaciil Caanoos, Max’ed Mayow Cabdulle,
C/qaadir Nuur Hadafow, C/llaahi Cumar Max’uud, Eng. C/qaadir Cumar, Maxamed
Aadan Geelle, Maxamed C/salaan, Dr. Axmed Cilmi Guure, Maxamed Ibraahim, Prof.
Max’uud Maxamed Max’uud iyo kuwo kale.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]