4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 27, 2018
Yaa ka faa’iidaysanaya Wabarashada lacag la’aanta ah ee Dawladdu bixinayso?

 

Khamiis, September, 27, 2018 (HOL)– Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ayaa shaacisay in ay la wareegtay 24 Iskuul oo ku yaalla Muqdisho laguna bixinayo waxbarasho lacag la’aan ah.

Waxbarashada lacag la’aanta ah ayaa lagu billaabayaa 14, 803 arday oo wax ka barata 24-ka Iskuul ee dawladdu maanta la wareegtay.Dawladda ayaa sidoo kale bixinaysa mushaarka iyo gunnooyinka macallimiinta dugsiyadaan oo gaaraya 713 iyo 58 maamule, kuwaas oo kamid noqonaya shaqaalaha dawladda federaalka Soomaaliya.

Dawladda ayaa sidoo kale afar iskuul oo lagu tababarayo macallimiinta iskuulaadka ka hir-gelinaysa xarumaha dawlad gobaleedyada si sare loogu qaado xirfadaha macallimiinta.

Dawladda Soomaaliya ayaa mustaqbalka dhow qorshaynaysa in guud ahaan dalka la gaarsiiyo waxbarashada lacag la’aanta si muwaadin kasta oo Soomaaliyeed uu u helo waxbarashada uu xaqa u leeyahay.

Shaacinta waxbarashada lacag la’aanta ah ee dawladdu siinayo muwaadiinta Soomaaliyeed ayaa ku soo beegmay iyada oo dalka laga hirgeliyay manhaj midaysan kadib ku dhawaad 30 sano oo manhajyo laga soo dhoofiyay dalal kala duwan laga dhigayay iskuulaadka dalka. 

Dhaqan gelinta Manhajka Midaysan ee waxbarashada ayaa dalka u horseedaya sannad dugsiyadeed midaysan, saacado waxbarasho oo midaysan, waxbarasho tayo leh oo wadaniyadi ku dheehantahay, imtixaan midaysan iyo shahaado midaysan oo leh tixraac rasmi ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]