4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 27, 2018
Midowga Yurub iyo taageerada miisaaniyada dowladda Soomaaliya

 

Khamiis, September, 27, 2018 (HOL)– Midowga Yurub ayaa ansixiyay howlgalkiisii ​​ugu horeeyay ee taageerada miisaaniyadeed ee ku siinayo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Yaboohan ayaa wadar ahaan Marka la isku daro gaaraya 100 milyan oo euros oo laga dhigi doono sedexda bilood ee ugu dambaysa ee sanadka 2018 ilaa 2021, taageeradan miisaaniyadeed ayaa la marin doonaa Dowladda Federaalka iyadoo la adeegsanayo nidaamka dowliga ah.

Hirgelinta ayaa waxay bilaaban doontaa bishan Oktoobar ee sanadkan 2018, kadib marka la helo heshiis loo dhan yahay, kaas oo awood u siin doono taageero tayo wayn leh oo ay helaan Dowladda Federaalka iyo Dawladaha xubnaha ka ah Federaalka, yaraynta khatarta iyo xaqiijinta Hanti-dhowrka iyo sidoo kale tilmaamayaasha waxqabadka si loo dhiirigeliyo dib-u-habeyn lagu sameenayo dhinacyada dhaqaalaha bulshada Maamulka, xukunka sharciga, kaluumaysiga, waxbarashada iyo howlaha kale.

Mashruucan taageerada miisaaniyadda (ayaa sidoo kale loogu yeeray Heshiiska Dawlad Goboleedyada iyo Awoodda si degdeg ah uga soo kabashada dhibaatooyinka Soomaaliya), Midowga Yurub wuxuu hiigsanayaa in uu taageero federaalnimada Soomaaliya iyada oo loo marayo sare u kaca iyo horumarinta maaliyadeed ee ay dowlada dhexe ee Federaalka gaartay, iyada oo loo marayo Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka. Waxay sidoo kale Midowga Yurub uu xoojinayaa heshiiska bulshada ee u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo dadka Soomaaliyeed iyadoo si tartiib tartiib ah u kordhinaysa doorka Maamulka Soomaalida ee bixinta adeegyada asaasiga ah.

Ansaxinta barnaamijka taageerada miisaaniyadeed ayaa qayb ka ah jawaab balaaran oo caalami ah oo ku saabsan hanaanka dowlad wanaaga iyo dib-u-habeeynta iyo fulinta siyaasadeed ay samaysay Dowladda Federaalka Soomaaliya. Iyadoo maalin ka dib markii Bangiga Aduunka uu ku dhawaaqay barnaamijka ugu horeeya ee Kaalmaynta Horumarinta Caalamiga ah (IDA) ee Dowladda Federaalka in ka badan mudo 30 sano ah, oo u dhiganta $ 80 Milyan, iyada oo la raacayo qiimayn ku-meel-gaar ah ee IMF ee Barnaamijka Kor joogteynta Shaqaalaha (SMP).

Jawaabtan wadajirka ah ee beesha caalamka ayaa u ah fursadaha cusub ee dhismaha dowlad-goboleedyada iyo qaranka ee Soomaaliya. Waxay gacan wayn ka geysan doontaa kor u qaadida heerarka sareeya ee maamulka iyo la xisaabtanka Dowladda Federaalka iyo Dawladaha xubnaha ka ah Federaalka. Waxay sidoo kale gacan wayn ka geysan doontaa sii xoojinta kalsoonida caalamiga ah ee Dowladda Federaalka iyadoo loo eegayo dhisida dib u habeynta xoogan ee loogu talagalay Hay'adaha Maaliyadeed ee Caalamiga ah ee ka yaraynta deemaha lacagaha ee wadamada aan dhaqaalaha haysan ee saboolka ah.

Midowga Yurub, oo ah deeq bixiyaha ugu weyn Soomaaliya, waxaa ka go'aan ah inuu taageero waddanka si uu u gaaro himilooyinka horumarineed ee ku saleysan Qorshaha Horumarinta Qaranka. Tani waxay la socotaa qaabaynta dhaqaalaha iyo ka dhaafida deynta waxay dalka u horseedi kartaa marxalad cusub oo barwaaqo ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]