4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 27, 2018
Madaxweyne Farmaajo : Siyaasiyiinta xanaaqsan waxey dhahaan beesha caalamka hana dhaxdhaxadiso

 

Khamiis, September, 27, 2018 (HOL) –Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa oo maanta khudbad ka jeedinayay munaasabad loo qabtay daah furka dib –u-habeynta waxbarashada, ayaa weerar Afka ah ku qaaday madaxda dowlad gobolleedyada iyo siyaasiyiinta ka soo horjeeda dowladda.

Madaxweynaha oo is ticmaalay Erag ah Siyaasiyiinta xanaaqsan ayaa yiri’’ Siyaasiga xanaaqsan waxay ka hadlaan Beesha Caalamka Hanoo timaado hana dhex dhexaadiso, waxaa ay ka hadlaan calaacal, waxay ka hadlaan dalkaan waa burburay ma soo noqonayo, waxay ka hadlaan waa nalaga adkaaday ciidamadeena tabar ma lahan, hadalkaasi dhaqankii Soomaali lagu yaqaanay mahan waa hadal calaacal ah ”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

“Siyaasiga xanaaqsan waa kan dadka qalbi jabka iyo niyad jabka ku riday, wuxuu sababay in ay is dhibaan, qofka bani’aadamkana markaa rajadii ka qaado waa dishay , dhimashaa dhaanta,iyaasiga xanaaqsanow shacabka ha naga qalbi jebinina , Siyaasiga xanaaqsanow dadka rajada ha ka qaadina”

Hadalka madaxweynaha ayaa imanaya xili uu qabsoomi waayay labo muddo todobaad gudihii ah oo uu ku baaqay, waxaana ugu horeeyay shir uu isugu yeeray madaxda dowlad gobolleedyada maalin uun kaddib markii ay ku dhawaaqeen in ay xiriirka u jareen dowladda, laakiin madaxda maamul gobolleedyada ayaa ku kacseyray ka qeyb-galka shirkaas.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa kulan isugu yeeray xarunta madaxtooyada Soomaaliya madaxda Galmudug si loo xaliyo khilaafka dhaxdooda ah, balse waxaa shirkaa ka hor yimid madaxweyne Xaaf oo sheegay in khilaafka u dhaxeeya Galmudug markii hore-ba ahaa mid laga soo abaabulay sida uu hadalka u dhigay madaxtooyada Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]