4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 27, 2018
Bayle " Hal bilyan oo deyn noogu qorneyd waa la waayay cid saxiixday"

Khamiis, September, 27, 2018 (HOL) –Wasiirka maaliyadda xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya,Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo wariyayaasha kula hadlay xafiiskiisa khamiista maanta ah wuxuu sheegay dabal lugu sameeyay deymaha lugu leeyahay Soomaaliya inay ku ogaadeen hal bilyan oo doollar inaan la heyn ciddii saxiixday iyo sida ay ku timid.

Wasiirka Bayle , waxaa kalo uu sheegay inay dowladdo dhowr ah ay u yimmaadeen una sheegeen inay Soomaaliya ku leeyihiin deymo, wuxuuna sheegay in ay u direen caddaymo muujinaya saxiixyadii dowladdii hore ee Soomaaliya, maaddaama uu dalku ka dhacay bur-bur, isla markaana uusan jirin keyd loo noqdo.

Wuxuu caddeeyay , wasiirka maaliyadda Soomaaliya inay dowladaha qaarkood ku guul darraysteen in ay keenaan caddeymo dhab ah oo lagu qanci karo, taasoo keentay inay ka jaraan kharashaadkii ay sheegteen, is-dhinka ayaa lacagta deynta ah  ee lugu leeyahay Soomaaliya ka dhigeysa 4 bilyan iyo bar doollar, halka ay markii hore ka ahayd 5 bilyan iyo bar,sida u wasiirka xaqiijiyay.

"Dowladda Soomaaliya waxaa ka go'an hagaajinta maamulka maaliyadda si caalamku u noo-aamino loogana cafiyo dalka deymaha lagu leeyahay si ay Soomaaliya u gaarto isku filnaan." ayuu yiri wasiir Bayle.

Wada-hadallada deymaha caalamka looga cafinayo Soomaaliya ayaa dhamaanaya marka la gaaro bisha May ee sanadka 2019 ,waxaana mas'uuliyiinta dowladda ay rajo ka qabaan in lugu guuleysto dadaallada lugu raadinayo Soomaaliya in laga cafiyo deymaha, taas oo fursad u siinaysa dalka inuu helo maalgashi iyo taageerro dhaqaale.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]