4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 27, 2018
Midowga Yurub oo €100 milyan siinaya dowladda Soomaaliya

Khamiis, September, 27, 2018 (HOL) –Midowga Yurub ayaa dhawaan deeq ahaan u siinaya dowladda Soomaaliya 100 milyan oo  Euro, waa lacagtii u horreeysay oo ururka uu siinayo dal deymo lugu leeyahay,sida u xaqiijiyay wasiirka maaliyadda Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, wuxuu inta ku daray lacagtan in lugu kabayo dhaqaalaha dalka, gaar ahaana mushaaradka iyo fulinta adeegyadda kale ee dowliga ah.

"Waxaa dhawaan imaanaya 100 milyan oo  Euro oo ka imaanaya Midowga Yurub,iyana waxaa weeye markii ugu horreeysay ee lacagta lugu kabayo dhaqaalaha dowladda oo hay'adda ay siiso dowlad deyn lugu leeyahay arrimahoodda dhaqaalana ay hooseeyaan." ayuu yiri wasiirka maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo la hadlay idaacadda VOA-da.

"Waxa ay dadku arkayaan waxaa weeye Soomaalida in dhinicii toosnaa ay u wada jeeddo." ayuu ku daray hadalkiisa.

Wasiirka maaliyadda Soomaaliya, wuxuu hadalkan sheegay saacado yar un kaddib markii golaha bangiga adduunka uu ansixiyay 80 milyan oo doollar oo deeq ahaan uu u siinayo Soomaaliya, lacagta oo ah middii ugu horreeysay ee ka imaanaysa bangiga adduunka oo muddo soddon sanno kaddib ku dhacaysa khasnadda dowladda Soomaaliya.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]