4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 27, 2018
Guddiga difaaca Baarlamaanka oo su'aalo waydiinaya Wasiirka Gaashaandhigga iyo taliyeyaasha ciidamadda
 
Khamiis, September, 27, 2018 (HOL) –Guddiga difaaca ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa  Khamiista maanta  ah u yeeray wasiirka gaashaandhigga iyo taliyaha ciidamada militariga inay horyimaadaan golaha , si su’aalo looga waydiiyo dhacdooyinkii ugu dambeeyey ee dilal ee magaalada Muqdisho oo ay gaysteen ciidamadda dowladda.

Xoghayaha Guddiga difaaca Golaha Shacabka Xildhibaan Sadiiq Warfaa ayaa sheegay inay madaxda dowladda lagula xisaabtami doono dilalka ay ciidamada gaysanayaan, wuxuu inta ku daray in  Wasiirka Gaashandhigga  iyo taliyeyaasha su’aalo dhowr ah ka weeydin doonaan dhibaatoyinka soo laab laabtay oo ay geystaan ciidamadda dowladda.

Golaha wasiirrada Soomaaliya ayaa dhowr mar soo saaray go'aano mamnuucaya ciidamada aan howlgallada ku jirin inay hub ku dhex-qaatan gudaha caasimadda Muqdisho, balse ma jiro wax ka hirgalay go'aamada.

Askarta dowladda ayaa aad loogu dhaleeceeyay dhacdooyinkii u dambeeyay ee ka dhacay Muqdisho , waxaa ka mid ahaa gabar sagaal sano jir ah oo toddobaadkii hore lagu toogtay Muqdisho, kaddib markii askari katirsan dowladda oo uu rasaas ku furay gaadiid kalle, xilli ay ka yimaadeen iskuulka ay wax ku baranayeen.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]